Madaxweyne Obama oo la filayo in uu maanta gaadho Kiiniya

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa la filayaa in uu maanta soo gaadha magaaladda Nayroobi uu kaga qayb galayo Shirweynaha Curiyayaasha Ganacsiga Adduunka ee la filayo in uu beri bilaabmo.

Mar waraysi la yeeshay waxyaabaha uu ka hadli doonta inta uu joogo Kiiniyana waxa uu yidhi:

“Waxa aan si faah-faahsan aan uga hadli doonaa xuquuqda ragga is guursada oo aan leeyahay ragga noocaas ah waa in tallaabo dhinaca hor-u-marka ah laga qaado, dhinaca kale waxaan ka war qabaa taariikhda dalkan Kiiniya inay dib u dhac badani ka jiro arrimaha haweenka waa in caddaalad siman ay helaan.”

Dhinaca kale Obama waxa uu ka hadlay arrimaha dhaqaalaha Shiinaha ee waddamada Afrika oo sannidihii u danbeeyey maalgeshi badan sameeyey. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

’Sannadihii aynu soo dhaafnay dalka shiinuhu markaa aad eegto faa’iidada ay gaadheen ganacsiga dunida, hase ahaatee aan ogalayn inay la xisaabtamaaan dadkooda, waxa ay gaadheen heer ay lacag aad u badan ku kharash gareeyaan Qaarada Africa, lacagaahaas oo lagu badalanaayo badeecado kala duwan oo qaydhin oo ay Afrika ka dhoofsadaan, taasi waxay siinaysaa hor-u-mar balaadhan.”

Obama ayaa socdaalka Kiiniya ka dib u safar ku tegi doona Itoobiya oo uu kaga qayb galidoono shirka Midawga Afrika.”

Madaxweyne Obama ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey Maraykanka ee khudbad ka soo jeediya Midowga Africa marka uu gaadho Itoobiya maalinimada Axadda

Socdaalkan Madaxweyne Obama ee Geeska Afrika ayaa mid xidhiidh cusub u furayay waddamada Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com