Dawladda Maraykanka ayaa dib u eegis ku samaynaysa xidhiidhka iyo mucaawinooyinka ay siiso Burundi

Dawladda Maraykanka ayaa dib u eegis ku samaynaysa xidhiidhka iyo mucaawinadda ay siiso labadda bilood ee soo socda ka dib markii ay Burundi qabatay doorashada madaxtooyadda lagu muransan yahay sidaasna waxa yidhi Safiirka Maraykanka u fadhiya Burundi Dawn Liberi.

Maraykanka ayaa siisaya militeriga Burundi tababaro iyo qalab u dhigma 80 milyan sannadkii, taas oo ay la socdaan deeqaha kale iyo taageerida dadka ka barakacay qalalaasaha waddanka ka taagan.

Markii ka hadlay Safiirka dib u eegista mucaawinooyinka Maraykanku siiyo Burundi waxa uu yidhi:

“Labadda bilood ee soo socda waxaanu u eegis ku samayn doonaa heerka caawimadda aanu siino Burundi, kuwa aanu sii wadi doono iyo kuwa aanu joojin doono. Tanna waa qaabka aanu ula socon karo siyaasadda waddanka ka socota.”

waxa kale oo Safiiradu ugu baaqay dhinaca ishaya inay soo wada fadhiistaan miiska wada-hadalka go’aan ka gaadhaan arrimaha haatan taagan.

Rabshadaha lagaga soo horjeedo Nkrunziza waxay soo bilaabmeen April, ilaa iyo haddana waxa ku naf waayey 100 qof. Sidoo kale waxa ku bara-kacay in ka badan 150,000.

Waxa walaac badan laga qabaa in dib eegista mucaawinooyinka Maraykanku siiyo Burundi ay yarayso mucaawinooyinkii gaadhi jiray bulshada reer Burundi.

 

bandhige@gmail.com