Barack Obama oo hadda soo gaadhay Kenya, walaashii oo ku qaabishay madaarka

Madaxweyne Barack Obama ayaa cawaysinkii caawa soo cago-dhigtay madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, Nayroobi.

Waxa madaarka ku qaabilay Madaxweyneha Kenya Uhuru Kenyatta iyo gabadh ay Obama xagga aabo walaalo ka yihiin oo la yidhaa Auma Obama. Labadooduba waxay Obama u salaameen si gacaltooyo ah oo ka duwan sida loo salaamo madaxweyneyaasha maamuus ahaan. Laabta ayay laabta u saareen, way qoora-qooreeyeen kadibna muddo ayay ku dhegsanaayeen.

Madaxweyne Obama waxa uu go’aamiyey in walaashii ay gaadhigiisa gaarka ah ee aanay qaraxyadu karin walaashii Auma la soo fuusho, si ay arrimahooga qoyska ah ee u gaarka ah uga sii wada sheekaystaan inta uu hudheelka gaadhaya.

Waxa si weyn loo adkeeyey amniga Kiiniya iyadoo caasimada Nayroobi la soo dhoobay 10,000 oo askari oo boolis ah, kuwaas oo u dhigma saddex meeloodow-meel ahaan tirada guud ee booliska Kiniya. Sababta sidan loo yeelayna waa cabsi laga qabo kooxda Al-Shabaab oo Kiiniya ka fulisay weerraro argagixiso oo aan la filanaynin ilaa iyo haddana awood u leh in ay weerraro ka fuliso Kiiniya.

Waddankan ayaa ku dedaalayey sidii uu u noqon lahaa xarunta Afrika iyo caalamka intiisa kale isku xidha. Hase ahaatee riyadaasi waxay u eg tahay mid aan hadda soo muuqan kadib weerrarada is-daba-joogga ah ee Al-shabaab.

Brack Obama wuxu berito furi doonaa Shirka Caalamiga ah ee Ganacsatada Hal-Abuurka Leh, kadibna wuxu jeedin doonaa khudbaddii uu ugu talo galay dalkan aabihii ka dhashay ee u arka in uu yahay muwaadin iyaga ka tirsan.

Dadweynaha Nayroobi ayaa dariiqyada gaadhiga Obama soo marayo isa soo taxay kuwaas oo caleemo qoyan, sacab iyo dhoola-caddayn ku qaabilayey.

Obama iyo qoyskiisa
Markii uu hudheelka soo gaadhay Madaxweyne Obama wuxu la casheeyey qoyskiisa oo miyi iyo magaaloba isaga yimid

Wuxu markiiba Madaxweyne Obama casho-sharaf la qaatay xubnaha qoyska reer Obama oo isaga yimid miyi iyo magaalaba iyadoo ay ka dhex muuqatay ayaydii Sarah Obama oo dhashay aabihii.

Waxa la filayaa in Brack Obama iyo Uhuru Kenyata ay caawa shir-saxaafadeed hor-dhaca wada jir u wada qabtaan. Sidoo kale waxa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin ragga isku galmooda iyo haweenka is guursada.

Madaxweyne-Xigeenka Kiiniya William Ruto oo saxaafaddu wax ka waydiisay qodobkan wuxu ku tilmaamay “guddaafad” iyo wax aan la isla soo qaadin karin. Madaxweyne-Xigeenku wuu ka maqnaa halkii lagu salaamayey Obama caawa, sababtana lama garanayo. Waxa jirta dacwad caalami ah oo ku socoto Md. Ruto, sidaas daraadeed waxa dhici karta in uu Obama ka cudur-daartay la kulankiisa. Dhinaca kale, waxa dhici karta in William Ruto uu diidan yahay ka-wada-hadalka qodobka ragga is-guursada taasina ay ku keentay in uu ka muquurto salaantii koowaad.

Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta oo la weydiiyey qodobkani in uu ajandaha ku jiro wuxu yidhi “Maya…maya… arrinta ragga is-guursadaa wax la isla soo hadal-qaadi karo ma aha.” Haseyeeshee Brack Obama oo saxaafadda dunidu waraysatay markii uu Kiiniya ku soo socday wuxu yidhi “Wax walba oo qodabkani ku jiro waan ka wada-hadlaynaa. Anigu cidna kuma faquuqo sinjigiisa, jinsigiisa iyo in uu ka mid yahay ragga ama dumarka is guursada.”

Si kasta oo ay tahay dadweynaha Kiiniya ayaa farxad aan la malayn karayn laga dareemayaa in kastoo ay jiraan tiro kooban oo ugu cadhaysan sida uu uga soo raagay maadaama uu Obama hadda ku jiro sannadihii ugu dambeeyey madaxnimadiisa.