War-saxaafadeed Somaliland iyo Soomaaliya laba dal u kala soocay oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska ayaa soo saartay war-saxaafadeed noociisu dhif yahay oo laba dal u kala soocay Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo marar badan bulshada caalamku ay adeegsato ereyga Soomaaliya oo kaliya maadaama Somaliland aanay weli haysan aqoonsi caalami ah.

War-saxaafadeedkan oo soo baxay cawaysinkii caawa waxa lagu dhigay in Wasiirka Ingiriiska u Qaabilsan Arrimaha Afrika uu booqasho ku tagay Somaliland iyo Soomaaliya.

War-saxaafadeedku wuxu sheegay in dawladda Ingiriiska iyo Somaliland ay ka wada-hadleen biyo-ballaadhinta Hargeysa iyo tamarta dib loo cusboonaysiiyo.

Sidoo kale warsaxaafadeedku wuxu xisay in dawladda Ingriisku ay Soomaaliya kala hadashay sidii looga dhabayn lahaa doorashooyinka la qorsheeyey 2016-ka loona dardargelin lahaa hirgelinta ciidan qaran. War-saxaafadeedku wuxu dawladda Soomaaliya ku ammanay horumarka ay ka samaysay abuurista maamul-goboleedyada ku-meel-gaadhka ah.

Sida muuqata, war-saxaafadeedkani wuxu aad uga farxinayaa xukuumadda iyo dadweynaha Somaliland oo jecel in ay adduunka aqoonsi ka helaan isla markaana aan lagu khaldin Soomaaliya. Dhanka kale waxa ka xumaan doonaa madaxda Soomaaliya oo jecel in Somaliland loo arko laguna sheego in ay ka mid tahay Soomaaliya.

Ma cadda in war-saxaafadeedkani hordhac u yahay siyaasaddii dawladda Ingiriiska oo u soo ciirtay dhinaca aragtida Somaliland.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedkii oo af-Ingiriisi ah.

Bandhige@gmail.com