Madaxweyne Siilaanyo maanta ayuu dalka ku soo laabtay, waxa loo soo dhaweeyey si weyn

 

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka ku soo laabtay kadib markii uu toddobaadyo ku maqnaa Imaaraadka.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku safar nasasho iyo shaqo isugu jira. Intii uu maqnaa waxay Somaliland iyo xukuumadda Imaaraadku si rasmi ah u kala saxeexdeen heshiis ku kacaya 2 bilyan oo Doollar kaas oo mashaariicda lagu qabanayo ay ka mid tahay waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale.

Hoos ka daawo muuqaal ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Somaliland.