Waxgarad iyo cuqaal ka soo jeeda Sanaag, Togdheer, Saraar iyo Saaxil ayaa taageero u muujiyay Kulmiye

Sida lagu baahiyey barta uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay Facebook-ga, aqoonyahan iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada Sanaag Galbeed , Saraar iyo Gubanka Togdheer ayaa Taageero u muujiyay Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi Xaflad xalay lagu qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco.

Xafladanin oo ahayd Casho sharaf Aqoonyahanka iyo Haldoorka deegaankaasi ku martiqaadeen Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Gobolka Togdheer.

Cuqaasha iyo Waxgaradka deegaanadaasi ayaa sheegay in deegaanadaasi hore looga taageeri jiray Xisbiga KULMIYE hadana aanay taageeradaasi isdhimin balse ay sii korodhay.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Xubno kale oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE ayaa u mahadceliyay guud ahaan Waxgaradka deegaankaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay deegaan balaadhan oo hore looga taageeri jiray xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa u mahadceliyay Waxgaradka , Cuqaasha , Haween iyo Haldoorka deegaankaasi oo uu isaga oo tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay kasoo qaybgalka Kulan.