Israa’iil waxay maanta qufushay masjidka barakaysan ee Al-Aqsa

Xukuumadda Israa’iil ayaa maanta quful ku dhufatay masjidka barakaysan ee Al-Aqsa kadib markii magaalada Quddus ay ka dhaceen rabshado ay ku geeriyoodeen saddex falastiiniyiin ah iyo laba askari oo Yuhuud ah.

Israa’iil waxay sidoo kale xidhay mid ka mid ah culimada ugu waaweyn Quddus hase ahaatee muddo yar dabaadeed way sii daysay.

Masjidka Al-Aqsa waxa Jimce kasta ku cibaadaysta dad tiradooda lagu qiyaasay 10,000 oo qof.

Dadweynaha Falastiiniyiinta ayaa tallaabadan ay xukuumadda Israa’iil qaadday ku tilmaamay mid caddaalad-darro ah, kuna baaqay in si dhakhso ah albaabadiisa loo furo.

Sheekh Cumar Keswani oo ah Falastiini 100 KM ka soo socdaalay si uu maanta Jimcihii ugu tukado masjidka Al-Aqsa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in loo oggolaan waayo kumaan uu ka mid ย yahay in ay ku cibaadaysan waayaan masjidkaas.

“Ma jirto diin oggol in masjid lagu cibaadaysto la xidho” ayuu yidhi Sheekh Cumar.

Tallaabadan ay xukuumadda Israa’iil qaadday ayaa laga baqayaa in ay sii huriso rabshadihii iyo colaadii marka horeba ka taagnaa mandaqaddaas.

Il-wareed: Al Jazeera

Bandhige@gmail.com