Maxaa ka dhexeeya qosolka iyo siyaasadda? (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud)

Qosolku waa astaan farxadeed oo ka tibaax bixinaya jawi degan oo naftu ay maadsi iyo cayaar birinbirqo ah oo xilkasnimo la’aan ah ay ku jirto. Sababtu waa in maskaxdu dhammaan ay ilowsan tahay dhib iyo werwer, isla markaana ay ku jirto wakhti fakahaadsi ah oo hawl yari iyo firaaqo badan (Cathartic Mood-Lifter).

Halka ay siyaasadduna ka tahay hawl aan nasiimo lahayn, oo loo fekerayo ummad sidii dhibka haysta loo ga saari lahaa dhaqaale ahaan, amnigooda loo sugi lahaa farsamo ahaan, isla markaana caafimaadkooda iyo garashada maankooda loo kobcin lahaa; iyada oo tartan lagu la jiro dalalka adduunka si masaalaxa waddankaagu u noqdo mid qorshe sugan leh oo balaayo ka samatabaxay (National Devious Stratagems).

Haddaba haddii ay qosol iyo siyaasadi sidaa u kala duwan yihiin, maxaa keeni kara in qof siyaasi ahi had iyo gooraale si sahlan u qosli karo?

Su’aashani waxa ay bartanka u taal ammuur culimada cilmiga siyaasadda sida nafsiga ah u baadhaa (Political Psychologist) ay in badan ka faallootay. Waxa aad la isku waydiiyey waxa kellifi kara in qof siyaasad ku dhex jiraa uu haddana faraxsanaado oo uu qosli karo wakhtiyo badan iyada oo siyaasadda dabcigeedu yahay mid kakan, werwer badan oo aan nasiimo lahayn!

Culimada siyaasaddu waxa ay ku sheegtay siyaasiyiinta aadka u qosla ee goor walba faraxsan, gaar ahaan kuwa dalalkoodu fiqiirka yihin ee dadkoodu baahan yihiin in ay ku jiraan laba xaalo mid:-

Waa ta koowaad e, in uu jiro dareen maskixiyan ah oo haysta oo u baahan in la la tacaalo in xil loo dhiibto oo hawl weyn loo dirto ha joogto eh (Missing Brain Circuitry). Waana in uu qofkani awoodi kari la’ yahay in uu joojiyo qosolka oo ah mid aan munaasib siyaasadda ku ahayn (Pathological Laughter).

Arrinta labaad waa in uu siyaasigani ka dhacsan yahay amma aanu waxba badan kala socon baahida umadda haysa inta ay le’eg tahay xajmi ahaan iyo tabaca dedaalku wehelinayo ee loo baahan yahay in lagu waajaho. Sidaa darteed, siyaasigan waxa ay ku tilmaameen in uu la’ yahay labada xirfadood ee hoggaan loo ga baahan yahay oo kala ah karti iyo daacadnimo (Competence and Honesty).

Isku soo wada duub oo jawaabtu waa in siyaasiga qoslayaa yahay mid aan fahamsaneyn waxa ay siyaasaddu tahay amma waxa ay masuuliyad ummadeed oo dhabarka loo ritaa ay daaran tahay! Ku darso oo dal aad u fiqiir ah, aqoonsi la’aan jooga, dadkiisa inta badan noloshu ay ku adag tahay – markaa cid rabta in ay dusha u ridato baahida intaa le’eg haddii la arko iyada oo goor walba macno la’aan qoslaysa waa ammuur ogaal yari iyo masuuliyad-darro ka markhaati kacaysa.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@warwickgrad.net