Sheekh Aadan Siiro wuxu dadka ugu baaqay in kaadhka codbixinta la qaato

“Waxaynu dadka u sheegaynaa in ay kaadhka qaataan. Qof kasta oo halkan joogaa waa farriin-qaade. Nabadgaglyadeenaa ku xidhan, mustaqbalkeena ayaa ku xidhan. Waxa loo socdaana waa in la soo saaraa kii ugu wanaagsanaa ee dalka hoggaaminayaa.” Sidaa waxa yidhi Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey “Siiro” oo khudbaddii Jimcaha jeedinayey shalay.

Markii uu Sheekh Aadan Khudbadda jeedinayey waxa masaajidka fadhiyey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ah guddoomiyaha Waddani isla markaana ah murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga iyo Xirsi Cali Xaaji oo ah hoggaamiyaha Waddani.