Madaxweyne Siilaanyo wuxu markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka siyaasiga ee ka abuurmay muddo-kordhintii Golaha Guurtida

????????????????????????????????????

Ugu dambayn Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wuxu caddeeyey mowqifkiisa la xidhiidha muddo-kordhintii Golaha guurtida. Shir-saxaafadeed uu maanta ku qabtay Qasriga Madaxtooyadda kaga hadlay mowqifkiisa muddo-kordhinta, una jawaabay xisbiyada mucaaridka ah ka hor socdaal uu maanta ugu baxay gobollada bariga, gaar ahaan gobolksa Sanaag.

Madaxweyne Siilaanyo wuxu yidhi:

“In dhawayd waxa dhegahayga ku soo dhacayey mucaaridka oo ka hadlaya arrimaha doorashooyinka, qaarna ku hanjabayaan in ay qarankan bur-burinayaan iyo qaar ka hadlaya go’aankii Guurtida ee ay dhawaan muddada ugu kordhiyeen xukuumadda iyo goleyaasha qaranka ee dastuuriga ahayd. Arrimaha doorashooyinka waxa aan leeyahay annagu (xukuumad ahaan) waanu diyaarinay wax kasta oo ay doorashooyinku u baahnaayeen haddii ay tahay dhaqaale, xeerar iyo komishankii maamulayey dhammaan waa naga diyaar. Waxa kaliya ee hadhsani waa xeerkii Golaha Wakiillada oo ku maqan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada”

Mar uu Siilaanyo ka hadlayey Komishanka Doorashooyinkawaxa uu yidhi: 

“Wax kasta oo khuseeya maamulidda arrimaha doorashooyinka waxa iska leh Komishinka Doorashooyinka waanan ku ixtiraamaynaa, waanan ka sugaynaa ee dhamaanteen aan la shaqayno,   qofkii doorasho danaynayaana ha usoo diyaargaroobo garoonka doorashada.”

Madaxweynuhu isaga oo ka hadlaya go’aanka Golaha Guurtida muddo-kordhinta ugu sameeyeen Golayaasha Sharci-dejinta iyo Xukuumadda waxaa uu yidhi:

Go’aanka Guurtidu waa sharci dastuuri ah, waxa layaableh in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimada Guurtida, kuna fadhiyey 5 sandadood oo hore. Waxa muuqata in uu Guddoomiye Ciro leeyahay kursiga aan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu isagu ku fadhiyaan waa xallaal iyadoo Guurtidu noo wada kordhisay, balse shacabku indhahooda iyo dhegahooda  way qabaan oo way arkayaan oo ay maqlayaan. Waxa muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala duwan yihiin dhawaaqyada ka soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku deg-degayaan hadalo diifleh oo niyad jab ku ah shacbiga iyojiritaanka qaranimada Somaliland. Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecel yahay u turjunto ee waa sharci dalku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.”

Dhinaca waxa Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay heshiishka xisbiyadda mucaaridka la galeen xukuumadda iyo xisbiga kulmiye waxaanu yidhi:

“Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee Madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxy ahayd heshiis ah maslax siyaasaddeed waanan u hogaansan ahay, waanan ixtiraamaynaa kama aanu bixin balse, weli lama sharciyeyn waxa aaanu leenahay aynu sharciyayno oo Guurtida ka dhiraan-dhirino.”

Gebo gebadi waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay sharciga dawladda waxaanu sheegay in dawladdu sharci tahay, kuna wareejin doono madaxweyne la soo doortay, waxaanu bulshada ugu baaqay inay isku duubnida iyo nabad-gelyada ilaashadayaa.

Shir-saxaafadeedkan ayaa imanaya goor ay xisbiyadda mucaaridka uu shir uga socda Hargeysa shir ay kaga tashanayaan aayaha doorashada iyagoo ka biyo diiday wakhtiga Golaha Guurtidu u qoondeeyeen in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo wada socda.

bandhige@gmail.com