Madaxweyne Siilaanyo oo seef la dhex qaaday Maxkamadda Sare maalmo kadib markii ay xukuntay in mucaaridku ku shiri karaan hudheellada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxu eryey saddex ka mid ah Maxkamadda Sare wuxuna magaacabay 8 garsoore oo cusub saddex maalmood kadib markii Maxkamadda Sare ay soo saartay go’aan ay xisbiyada mucaaridka ugu ogolaanayso in ay hudheellada ku qabsadaan shirarkooda uu dastuurku oggol yahay.

Waxa xilkii laga qaaday:

  1. Garsoore Yaasiin Xasan Ismaaciil.
  2. Garsoore Axmed Xasan Dirir.
  3. Garsoore Cabdiraxmaan Madar Caraale.

Waxa garsoorenimo Maxkamadda Sare ah loo magacaabay:

  1. Garsoore Axmed Diiriye Qaalib
  2. Garsoore Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur
  3. Garsoore Maxamed Faarax Siciid
  4. Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur
  5. Garsoore Cabdillaahi Cabdi Adan
  6. Garsoore Cabdiraxmaan Jaamac Hayan
  7. Garsoore Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan
  8. Garsoore Yaxye Cali Idiriis

Go’aankan oo ku dhigan war-saxaafadeed 9.40 AM ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland waxa lagu xusay qodobada uu adeegsaday Madaxweyne Siilaanyo, hase ahaatee lama sheegin sababta wakhti-xaadirkan keentay in go’aan sidan u culus uu gaadho Madaxweyne Siilaanyo.

Seeftan waxa ka badbaaday guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, iyadoo uu go’aankani isagana u noqon doono “Isha Cali ka laalaadda.”

Dadweynaha Somaliland in badan oo ka mid ah oo warbaahinta kala duwan ka hadashay iyo farriimo lagu wareejiyey Facebook-ga ayaa muujinayey in aad loogu diirsaday go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ahaa in mucaaridka loo ogolaado in ay shirarkooda ku qabsan karaan hudheellada, dhinaca kalena aanay mucaaridku qabsan karin wax ay ku tilmaamaan shir-qaran maadaama aanu Dastuurku u oggolayn.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka lagu eryey garsooreyaasha

Bandhige@gmail.com