Madaxweyne Siilaanyo oo hambalyo u diray bulsho weynta Somaliland iyo Muslimiinta munaasibada Ciidal Adxada awgeed

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hambalyada Ciidal Adxa u dirayaa Golayaasha Qaranka, madax-dhaqameedka Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta muslimiinta,

War-saxaafadeed ka soo Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:

Hambalyada Madaxweynaha ee Ciidal Adxa

Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Xxuska Ciidal Adxa awgeed hambalyo u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna Alle uga baryayaa in uu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna Alle u naxariisto una denbi dhaafo.

Aamiin   Aamiin   Aamiin

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

bandhige@gmail.com