Madaxweynaha Masar wuxu cafiyey weriyeyaashii Aljazeera ee u xidhnaa

Madaxweynaha Masar ayaa Arbacadan maanta ku dhawaaqay in uu cafis u fidiyey labadii weriye ee Aljazeera ee muddada dheer u xidhnaa kuwaas oo kala ah Maxamed Fahmi iyo Baxar Maxamed.

Sidoo kale Cabdifataax Al-sisi wuxu cafiyey 100 qof oo ka mid ahaa dad ka qayb-qaatay olole siyaasadeed oo isaga ka horjeeday.

Weli ma cadda in Al-sisi uu sidoo kale cafiyey 7 weriyey oo kale oo Aljazeera ah oo iyaga oo maqan la xukumay, kuwaas oo uu ka mid yahay weriyihaanka ah Peter Gratse oo isaga qudhiisu muddo sannad ah ku xidhnaa Masar.

Bishii sideedaad ee sannadkan ayaa labdan weriye lagu xukumay midkiiba saddex sanno oo xadhig ah iyadoo maxkamadda Qaahira ay sheegtay in lagu helay dambi la xidhiidha in ay kaalmaynayeen argagixisada (oo looga jeedo ururka Al-akhwaan Al-muslimiin).

Peter Gratse oo u dhashay dalka Australia waxa si ku-meel-gaadh ah loo sii daayey bishii labaad ee sannadkan hase ahaatee bishii sideedaad ayaa isagana saddex sanno lagu xukumay isaga oo wakhtigaas ka maqnaa dalka Masar.

Go’aannadan Cabdifataax Al-Sisi wuxu gaadhay wax yar uun ka hor safar uu ugu kicitimayo dalka Maraykanka si uu uga qayb-galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.