Madaxweyne Siilaanyo oo isku-beddel ku sameeyey agaasimeyaal guud

Sida ku cad war-saxaafadeed casarkan maanta ka soo baxay xafiiska saxaafadda ee Madaxtooyada,ย Madaxweynaha ย Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha.

War-saxaafadeedku wuxu u dhigan yahay sidan:

Madaxweynuhu:-

ย 

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  In baahi loo qabo in isku beddel iyo magacaabid lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Isku bedelka

Wuxuu goโ€™aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

 

In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Maxamed Xasan Ibraahin, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Saleebaan Jaamac Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida

Wuxuu goโ€™aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL