Madaxweyne Siilaanyo oo ku soo guryo noqday, kana hadlay dagaalkii dhex maray ciidamada Somaliland iyo Jabuuti

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka dib ugu soo guryo noqday, ka dib markii ay soo dhamaysteen  booqasho ay ku joogeen muddo afar maalmood ah boqortooyada Kuwayt halkaas oo uu ku marti-qaaday Amiirka dalka Kuwayt  Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa oo ay sidday diyaaradii khaaska ahayd ee boqorka Kuwait uu u soo diray  ayaa ka soo degtay dhabaha  diyuuradaha caalamiga ah ee Cigaal International Airport abbaaro Shantii Galabnimo ee maanta, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka  Madaxwayne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil ‘Saylici”, Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye, ahna Musharaxa Madaxwaynaha Muuse Biix Cabdi, wasiiro Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Qaranka Xildhibaano ka tirsan goloyaasha qaranka, masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo dadwayne tiro badan.

Madaxwaynuhu wuxuu mid mid u gacan qaaday masuuliyiinta soo dhawaysay iyo dadwaynaha ku sugnaa garoonka markuu ka soo degay Diyaarada, isagoo u soo gudbay Xarunta madaxtooyadda,  waxaana intuu dhexda ku soo jiray ay dadwaynaha magaaladu u gacan haadinayeen salaamayeena madaxwaynaha Qaranka.

Madaxwaynuhu markuu soo gaadhay qasriga madaxtooyada waxa uu salaan sharaf ka qaatay  Cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyadoo ay halkaasi ku tumeen Heesta calanka oo ay tumayeen baanboyda Ciidanka  Booliska iyo Militaryga.

Madaxwaynuhu waxaa uu ka jeediyay hadal ku saabsan booqashadiisi dalka Kuwait isagoo saxaafada la hadlay, kana waramay socdaalkiisi Kuwait,  waxaana uu yidh:

 “Waxaan safar afar cisho ah  aan ku tagay dalka Kuwait , muddada aan halkaas  joogay waxaan  kulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait oo ugu horreeyo  amiirka dalka Kuwait, Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah , Waxaan amiirka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaan  si gaara uga mahadceliyay Amiirka mashaariicda horumarineed ee dhaxalgalka ah ee boqortooyada Kuwait  ka fulisay dalka, kuwaasoo shacbiga iyo dawladda somalilandba dareensan-yihiin.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaan u gudbiyay Amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo Somaliland waxa lagula qabanayo, ugana soo jawaabi doono si dhakhso leh. Sidoo kale, waxaan la kulmay madaxda hay’adaha Khayriyga ee ka hawl gala dalka Kuwait oo ugu horeeyo  Guddomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha  khayriga, ahna La-taliyaha amiirka dalka Kuwait , Dr Cabdalla Mactuug Almactuug.”

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey:

“Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah uga  gaysan lahayd Boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhin lahayd  taakulaynta ay siiso dadka dhibaatooyinku lasoo darseen. Gabo-gabadii, waxaan kulan warbixineed, la qaatay jaaliyada Somaliland ee Dalka Kuwait, oo aan ugu waramay ujeeddada safarkayga iyo xaalada guud ee uu wadanku maraayo.”

Mid ka mid ah Warfidiyeenada ku sugnaa qasriga madaxtooyadda ayaa Madaxwaynaha waydiiyey  mawqifkiisa ku aadan xad gudubkii ciidanka ka tirsan  ilaalada xeebaha Jabuuti  ay ku dileen hal Askari oo ka tirsan Marines-ka Somaliland mida kalena ay ku dhaawaceen ee ka dhacay jasiirada Ceebaad ee Biyaha Somaliland, waxaana Madaxweynuhu kaga jawaabay sidan:

“Ciidamada Jabuuti iyo Somalilandba wixii dhexmaray  annagu haddii aanu Somaliland  nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani  ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waanu difaacno, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa  Inshaa Allahu Tacaalaa.”

Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan:

bandhige@gmail.com