weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo waxay la kulmeen jaaliyada Reer Somaliland ee Kuwayt ku dhaqan

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa dalka kuwayt ayaa waxay xalay kulan muhiima la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Kuwayt ku dhaqan.

Madaweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayo oo caawa la kulmay jaaliyadda somaliland ee dalka kuwayt waxay ka wada hadleen oo ay isla markaana uga warrameen ujeeddada socdaalkooda dalka Kuwayt ay ku yimaadeen taas oo ahayd marti-qaad Boqorka Kuwayt uu ku martiqaaday Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

kulankaa jaaliyada iyo Weftiga madaxweynuhu ku yeesheen dalka kuwayt ayuu madaxweynuhu warbixin ka siiyey ujeedada safarkooda.

Waxa aanu halkan ku nimid martiqaad rasmiya oo aanu ka helnay boqorka dalka kuwayt, waana aanu la kulanay boqorka oo waxa aanu kala hadalnay sidii ay mashaariicaha horumarineed ee ay ka mid ka yihiin:

  1. Horumarka Dekedda Berbera, dhismo madaarro cusub iyo  waddooyinkaba leh
  2. Gurmadka abaaraha dalka ka jira.

dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay Jaaliyada dareen siiyeen arrimo dhawra iyagoo  si gaara isu dul taageen Xaaladda guud ee waddanku marayo oo ay si weyn u xuseen  abaaraha baahsan ee dalka ka jira, diiwaangalinta codbixiyayaasha, mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, nabadgelyada, siyaasadda arrimaha dibedda iyo ictiraaf raadinta.

dhanka kale Madaxda jaaliyadduna waxay xog-warran ka siiyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa duruufaha nololeed ee bulshada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Kuwayt. Waxaanay weftiga Madaxweynaha usoo jeediyeen talooyin badan oo niyad sami ka muuqato.

Sidoo kale, waxay weftiga waydiyeen su’aalo doora kuwaasoo ay Madaxweynaha iyo masuuliinta la socday si hufan uga jawaabeen.  Jawiga kulankan dhexmaray jaaliyadda Somaliland, iyo  Weftiga Madaxweynuhu hogaaminaayey, ayaa ahaa mid aad loosoo agaasimay oo ay ka muuqatay bisayl, wadaniyadeed, hilaw, kal-gacal, xamaasad iyo soo dhawayn balaadhan oo ay ku qaabileen weftiga madaxweynaha. Waxaanu kulankaasi ku dhammaaday is afgarad, niyad sami iyo is xogwaraysi labada dhinacba ah.

Gunaanadkii kulankana, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Siilaanyo wuxuu ku guubaabiyay Jaaliyadda midnimo, wax wada qabsi, iskaashi, iyo isku duubnaan, iyo inay meel uga soo wada jeedaan jiritaanka dalka iyo horumarkiisa. Wuxuu kaloo madaxweynuhu ku dardaaray inay ka qayb qaataan qaadhaanka abaaraha iyo guud ahaanba horumarka dalka.

bandhige@gmail.com