Kulamada caawa iyo ciyaaraha Euro League

Kooxda Manchester United oo baryahan baalku ka qoyey ayaa waxay caawa kulan darbi ah fooda is dari doonaan kooxda xafiiltanka weyni ka dhaxeeyo ee Liverpool, kulankan oo ah tartanka Euro league oo ah horyaalka labaad ee ay ku hirdamaan dhammaanba kooxaha kaalamaha 5aad iyo 6aad ka gala kala sarreynta horyaalada waddamada Yurub, ayaa waxa uu marayaa meel aad u xasaasi ah.

Kooxda Liverpool oo lugtii hore ee ciyaarta ku soo durdurisay Manchester kagana badisey hoygeeda 2:0 ayaa waxay caawa marti ku tahay garoonka Manchester United ee Old Trafford.

Tababaraha kooxda Man-utd ayaa ku adkeysanaaya iney caawa u quus goyn doonaan kooxda Liverpool sida uu u xaqiijiyey saxaafada ciyaaraha ka faalloota ee goal.com.

Dhanka kale waxa jira kulamo aad u xiiso badan iyadoo ay is arki doonaan kooxo aad ugu xafiitamaaya hanashada koobkan waxaana isag hor iman doona kooxahan.

  1. Mancher United VS Liverpool
  2. Bayer Leverkusen VS  Villareal
  3. Lazio VS Sparta Parague
  4. Valencia VS Athletico bilbao
  5. Anderlecht VS       Shakhtar Donetsk
  6. Baraga VS Fenerbahce
  7. Manchester United VS Liverpool
  8. Sevilla VS Bassel
  9. Tottenham Hottspur  VS  Brussia Dortmund

bandhige@gmail.com