Cilmi baadhis ku sheegay haddi Trump noqdo Madaxweyne Maraykanka in duniddu cagta argagaxiso dhaqaalo xumo

Cilmi baadhis ay samayeen kooxo khubaro u dhalatay Ingiriiska oo magacooda marka la soo gaadhi la yidhaah EIU ayaa lagu sheegay in Donald Trump haddii uu noqdo Madaxweynaha Maraykanka in uu adduunku wajahayo halista lixaad ee dunidda soo wajahday.

Sida ay kooxdan sheegtay, halista Donald Trump ayaa waxa ay u dhigantaa halista ah in argagixisada ay xasilooni darri ku abuuraan dhaqaalaha caalamka.

Kooxdan ayaa halista ugu weyn ee caalamka iminka uu wajahayo ku sheegtay dhaqaalaha sida xowliga ah hoos ugu sii dhacaya ee Jayna.
Waxaa taas ku xiga ficillada Ruushka ee Suuriya iyo Yukrayn, oo abuuray dagaal qabow oo cusub.

EIU waxa ay sheegtay in aysan u maleeneyn in Donald Trump uu ku guuleysan doono doorashada sannadkan bisha kow iyo tobnaad ee Maraykanka, hase yeeshee waxay sheegeen in ay jiraan fursad uu Madaxweyne ku noqon karo,  islamarkaana saameyn xoogan ay yeelan doonto.

Kooxdan ayaa cabsida laga qabo Trump sabab uga dhigtay naceybkiisa ku wajahan ganacsiga xorta ah, dalabkiisa ah in la dilo qoysaska argagixisada, ciidamo loo diro Suuriya iyo gooni u riixistiisa Jayna iyo Maksito, oo hurin kara dagaal ganacsi, islamarkaana hurin kara argagixisada.

bandhige@gmail.com