Pep Guardiolla oo khibrad iyo waayo-aragnimo ku reebay Juventus, iyo Barcelona oo afka ciida u dartay kooxda Arsenal

Kooxda Bayer munich ayaa far ciddideed kaga badbaadey in ay ka hadho hirdanka koobka Championka ee rubuc dhamaadka, kadib markii dadaal dheer u gashay in ay guul ka gaadho kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Bilowgii ciyaarta waxa laga nixistey kooxda Bayer Munich oo daqiiqadii 5aad laga dhaliyey goolkii u horreeyey waxaana Juventus u saxeexay ciyaaryahanka number 10ka u sita Paul pogpa oo kubbad qurux badan oo uu ka helay diillinta 18aad gool u bedelay.

Dardar iyo dadaal ay kooxda Juventus sameysay waxa mar 2aad u suurto gashay in ay helaan fursad kale waxaana baas qurux badan oo uu Morata soo dhiibey gool u bedelay Cuadrado, oo noqday shamac ay iftiinsaneysay kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Nasasho kadib waxa canaan badan iyo dardar galin garoonka kula soo noqotay kooxda Bayer Munich, oo ay u suurto gashay in ay daqiiqadii 73aad goolkii u horreeyey la yimaadaan waxaan kubbad karoos dheer ah oo uu soo baasay Costa madaxa ku daba mariyey goolhaye Buffon weeraryahanka numberka 9aad u sita kooxda Bayer ee Lwendewiski,

Kubbado farsameysan oo baal illaa baal xidhiidhsan iyo weeraro badan oo ay kooxda Bayer Munich soo qaaday u suurto gashay in ay ciyaarta oo dhammaan rabta la yimaadaan daqiiqadii 90+1 goolkii barbardhaca, kaas oo kor u soo qaaday rajada iyo niyada ciyaartoyga kooxda, taageerayaasha iyo tabobaraha kooxdaba weeraryahanka reer jarmal ee Thomas Muller oo gool quruxbadan madaxa ku dhalliyey.

30 daqiiiqo oo dheeraad ah kadib kooxda Bayer Munich oo iskaga baashaalaysa kubbada ayaa Thiago alcantara oo bedel ku soo galay waxa uu kubad hooyoo igu soo celi goolkii 3aad u dhalliyey , waxaana goolkii 4aad ka dhalliyey ciyaaryahan hore Juventus uga yimid oo bedel kusoo galay ciyaarta waa “karmic coman”oo hormuud ka dhigay in ay 4:2 ku dul maraan kooxda Juventus.

Dhanka kale kooxda Barcelona waxay afka ciida u dartay kooxda Arsenal, iyadoo duruus wacan oon la illaabi karin ugu dhigtay garoonkeeda camp Nou, kadib markii ay 3:1 ku dardartey. Goolasha waxaa bilowgii ciyaarta daahfurey xiddiga reer Brazil ee weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona Neymar oo daqiiqadii 18aad gool qurux badan hoos mariyey goolyaha Arsenal, Arsenal oo iska caabiyeysa weerarka seddex aflaha ah ee reer Barcelona ayaa waxay kubad dheer oo tuuryo baal ah kula timid goolkii bar-barraha waxaana goolka u saxeexay ciyaaryahanka Muslimka ah ee reer Masar Mohamed Elnini, oo daqiiqadii 51aad gool qurux badan oo taariikhda abid u galay ka dhalliyey kooxda Barcelona.

Barcelona oo aan isbaba dhibeynin weheshaneysa weeraryahannadadeeda MSN ayaa kubad farsameysan oo isu dhiib dhiibeen Neymar iyo alves waxaa gool u bedelay weeraryahankeeda Suarez oo gool aad u qurux badan halkaas ka dhalliyey daqiiqadii 65aad.

Damaashaad iyo farxado badan kadib waxaa si wada jir ah loogu shaqeeyey sidii uu dhallin lahaa gool xidigooda Messi waxaana daqiiqadii 88aad goolkii 3aad u saxeexay ciyaaryahan Lionel Messi oo gool aanuu iskuba dhibin kubad farsamadeedu aad u sareyso kor uga qaaday goolhaye Ospina, oo aad ugu adkaa in uu hoos u marin doona kadibna ku fikiraayey waad ka badbaadin, yaa u sheego in kor iyo hoosba wax lagu dhallin karo, sidaana waxaa damaashaad guul la hooyatey kooxda Barcelona.

Qore: Cabdiraxmaan Cawke

bandhige@gmail.com