Madaxweyne Siilaanyo waxa uu la kulmay Sheekha Kuwayt

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” iyo weftiga uu hor kacayo ee safarka shaqo ku jooga dalka Kuwayt ayaa waxay maanta la kulmeen boqorka dalkaas Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Kulankaas oo ahaa mid saxaafaddu dibed-joog ka ahayd ayaa ahaa mid qaatay saacado, iyadoo labada dal ay ka wada hadleen, sii xoojinta xidhiidhkooda soo jireenka ah ee ay wadaagaan, waxaana si gaara labada dhinac isu-dultaageen xaalada nabadgelyo ee ka jirta mandaqadda.

Madaxweynaha Somaliland kulankan maanta waxa uu mahadnaq balaadhan u jeediyey amiirka, isagoo ku bogaadiyey xidhiidhka meeqaamkiisu sarreeyo ee uu kula shaqeeyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu xusay mashaariicda horumarineed ee dhaxal galka ah ee ay  boqortooyada Kuwayt ka fulisay dalka, kuwaas shacbiga iyo dawladda Somalilandba dareensan yihiin.

Gebegebadii Kulanka waxa amiirka Kuwayt uu qado sharaf beertiisa ugu sameeyey  madaxweynaha iyo weftigiisa.

Casuumada ka dib waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisu kulan gaara la yeesheen Gudoomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha khayriga Islaamiga ee Caalamiga, Dr. Abdullah Matouq Al-Matouq, waxa iyaguna kulankaa ku wehelinaayey Wasiiradii hore ee Cadaalada iyo Diinta iyo Awqaafta, La-taliyaha Amiirka Kuwayt sheikh Sabaax Al-axmed Al-sabaax iyo La-taliyaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee arrimaha bani-aadanimo, waxaanu madaxweynuhu kala hadlay masuuliyiintaasi Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad degdeg ah uga gaysan lahayd boqortooyada Kuwayt, isla markaana ay u sii balaadhan lahayd mashaariicda horumarineed ee boqortooyadu ka waddo Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ka qaybgeli-doonaan berrito marti-qaad gaara oo uu u sameeyey Sheikh Hamad Bin Sabah Al-Ahmad.

Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan:

bandhige@gmail.com