Xiisaha ciyaaraha iyo horyaalka Yurub

Loolanka loogu jiro tartanka xiisaha gaarka ah wata ee horyaalka Yurub “EUFA CHAMPIONS” ayaa waxa caawa wajigii labaad isaga hor imandoona kooxaha kale ah:

Barcelona vs Arsenal                    10:45pm                     Bayer Munich vs Juventus

Kooxda Barcelona waxay marti galindoontaa kooxda Arsenal, halka Bayer munich ay gurigeeda ku marti galin doonto kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Barcelona waxay 2:0 lugtii hore ugasoo badisay arsenal oo gurigeeda emirates lagu ciyaaraayay, goolashaasi waxay jaanis weyn siinayaan kooxda Barcelona oo inta badan kalsooni ku haysata inay u baxdo wareega 8da kooxood ee horyaalka halka Bayer munichn iyo Juventusna ay 2:2 islasoo dhaafiwaayeen wallow lagu ciyaaraayay hoyga juventus,

Bayer munich wax walwal ahi kama haysto in ay caawa ka hadho horyaalka waayo waxay lugtii hore haysataa 2 goolasha away ga ah, si kastaba ha ahaatee juventus oo sannadkii hore dadaal adag u gashay hanashada horyaalka balse booska 2aad gashay kuma qanacsana in ay hadho, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi tababaraha Juventus:

“Dadaalkayagu meeluu na dhigaba waanu soo baxaynaa.”

Xiddigii hore ee Real-madrid waqti xaadirkana u ciyaara kooxda arsenal OZIL ayaa ballan ku qaaday in ay ka badindoonaan Barcelona, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Runtii waa koox adag oo kubad farsamo badan ku ciyaarta balse waxaan kalsooni ku qabaa kooxdeyda waanan guuleysandoona kulanka caawa.

Dhanka kale tababaraha kooxda arsenal arseng wenger oo mar wax laga waydiiyey kulanka Barcelona ayaa waxa uu sheegay inay si weyn ugu diyaargaroobeen ciyaarta caawa, waxaanu aad ula hadlay ciyaartoygiisa

Dhanka kale kooxda bayer munich ayaa ku hanweyn inay joojiso xawaaraha ciyaareed ee ay kaga daba timid kulankii hore oo 2:2 kusoo dhamaadey, waxaanay haatan ku hanweyntahay inay reebaan Juventus,  tababaraha uu waqtigu ka dhamaanaayo ee Guardiola ayaa mar uu saxaafada ciyaaraha ka faalloota la hadlaayay waxa uu sheegay inay ka guuleysan doonaan juvantus kulanka caawa.

bayr

bandhige@gmail.com