Madaxweyne Siilaanyo oo safar ku tagay Imaaraadka Carabta

 

Safar  aan ujeeddadiisa la faahfaahin ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu ambobaxay Imaaraadka Carabta.

Waxa beryihii u dambeeyey la dareemayey xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo waddamada Khaliijku in uu soo wanaagsanaanayo iyadoo wufuuddu ay labada dhinacba u soconayeen.

Sidoo kale waxa jirtay danayn ay shariikado Imaaraati ahi, gaar ahaan shirkadda Dubai World ay danaynayso maaraynta dekedda Berbera laakiin wada-xaajood socday muddo sannad iyo dheeraad ah aan weli la wax la isla meel dhigin.

Ma cadda in safarka Madaxweynuhu la xidhiidho amuurtaas laakiin wararka aanu helayno ayaa sheegaya in ay wasiirro dhawr ah iyo maareeyaha dekedda Berbera madaxweynaha uga sii horreeyeen Imaaraadka Carabta taas oo muujinaysa in ugu yaraan qayb safarka madaxweynaha ka mid ahi uu la xidhiidho gorgortanka maaraynta dekedda Berbera.

Ka hor inta aanu Imaaraadka gaadhin madaxweynuhu wuxu sii mari doonaa Jabuuti halkaas oo uu kaga qayb-geli doono caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan dib loogu doortay in uu madaxweyne ka sii ahaado Jabuuti shanta sanno ee soo socota.

Arrinta indhaha si gaar ah u soo jiidatay waxa weeyi Madaxweyne Siilaanyo oo aqbalay in aan sagoostiskiisa loo sii raacin Maddaarka kadib codsi ka yimid Wasiirka Duulista Hawada taas oo uu madaxweynuhu ficil ahaan u aqbalay.

 

Safarkii Madaxweyne Siilaanyo3 Safarkii Madaxweyne Siilaanyow