Somaliland oo rubuc-qarni jirsanaysa iyo u-diyaargarowga dabaaldegga 18-ka May oo hooseeya

 

18-ka May waxa la xusi doonaa sannad-guurada 25aad ee ka soo wareegtay  maalintii ay Somaliland xornimadeeda dib ugala soo noqtay Soomaaliya.

Xusanka sannadkani waa uu ka muhiimsan yahay sannadihii hore maadaama ay Somaliland jirsanayso rubuc-qarni. Waxa la xusayaa 25 sanno oo xornimo, nabad, horumar, dimuqraadiyad iyo yiddidiiolo ah.

Waxa jira ifafaalo muujinaya in diyaar-garowgu ka hooseeyo sidii la filayey. Magaalo-madaxda Hargeysa iyo gobollada Somaliland-ba waxa laga dareemayaa in dhinaca maamulka uu diyaar-garowgii hadda uun bilaabmay iyada oo gobollada qaar aanay weli magacaabin guddidii qabanqaabada.

Waxa kale oo jira dareeno laga qabo in aan shacbigu aad u abaabulnayn iyadoo aan suuqada Hargeysa weli lagu arkayn diyaar-garowgii iyo xamaasaddii looga bartay sannadihii hore iyo alaabooyinkii 18-ka May lagu xusi jiray oo aan aad suuqa loogu kala iibsanayn wakhti 10 maalmood oo kali ah ay xuska munaasibaddan innaga xigto.

Arrimaha xuska sannadkan ku cusbaan doona waxa ka mid ah warar aanan xaqiijin karin oo warbaahinta qaar lagu daabacay oo tibaaxaya in siyaasiyiin caan ah oo ka socda Soomaaliya sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan-Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland, ay ka soo qayb-geli doonaan xuskan sannadkan ee 18-ka May.

Siyaasiyiintan oo sida la sheegay hadallo ka jeedin doona munaasibaddan, lama oga waxa ay sheegi doonaan iyo halka ay ka taagan yihiin qaddiyada Somaliland, hase ahaatee lama filayo in ay ku dhiiran doonaan sheegista in ay ictiraafsan yihihiin madaxbannaanida Somaliland.

Bandhige wuxu hambalyo qaddin ah u soo gudbinayaa dadweynaha Somaliland wuxuna dadweynaha u rajaynayaa dabaadelg wax-ku-ool ah.

Bandhige@gmail.com