Wasiirkii Saliidda ee Sucuudiga iyo wasiirro kale oo la casilay

 

Wasiirkii Khayraadka Saliidda ee Sucuudiga Cali Al Naciimi ayaa ka mid ah xubno wasiiro ah oo xalay xilkii laga xayuubiyey. Waxa iyaguna xilkoodii waayey Wasiirkii Korontada iyo Wasiirkii Biyaha.

Isku-shaandhayntan Boqortooyada ayaa ku soo beegantay wakhti uu Sucuudigu isku dayayo in uu dib-u-habayn ku sameeyo dhaqaalihiisa, dedaalkaas oo uu gadhwadeen ka yahay wiil uu boqorku dhalay oo la yidhaa Maxamed Bin Sulmaan Al Sacuud, isla markaana ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Wasiirka Difaaca ee Sucuudiga.

Wasiirka Saliidda ee Sucuudiga Cali Al Naciimi wuxu xilkan hayey muddo 20 sanno ah.

Boqortooyada Sucuudiga oo ah waddanka shidaalka ugu badan dunida dhoofiya ayaa dhibaato weyni ay ka soo gaadhay qiimaha saliidda ee hoos u dhacay iyadoo dhaqaalaha Boqortooyadu uu boqolkiiba 70 ku xidhan yahay saliidda Caydhiin. Qiimo-dhaca shidaalku wuxu ku soo beegmay wakhti uu Sucuudigu lugaha kula jiro dagaalka Yemen isla markaana uu si dadban faraha ugual jiro dagaalka ka socda Suuriya.

Sucuudiga ayaa hadda ka fikiraya in uu yareeyo ku tiirsanaanta saliidda shidaalka, taas beddelkeedana uu kor u qaado wax-soo-saarka kale iyo dakhliga kale ee dawladda ku soo gala canshuuraha.

Sidoo kale Sucuudigu wuxu ku dedaalayaa in uu qaybo ka mid ah shariikadaha ay dawladdu maamusho laga dhigo qaar gaar loo leeyahay isla markaana uu dhiirigeliyo maalgashiga caalamiga ah.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com