Sumaddii Gaalada (Cabdisayid Aadan Soofe)

Waa konton iyo jarjar, waxa uu ku dhashay tuulo ka tirsan Gobolka Togdheer, noloshiisa horraanteedii waxa ay ku beegnayd  waagi dawladnimo, waagii  kacaanku cusbaa. Isaga oo ku dhashay tuulo ay dhawr qoys degan yihiin ayey haddana tuuladaasi lahayd  Dugsi hoose oo uu ka qallin jibaadhey, Cisbitaal yar oo daryeeli jirey caafimaadkiisa, boosto uu ka heli jirey waraaqaha uga yimaada Aabihii oo ku noolaa dalkaasi Sacuudi Carabiya.

Dugsigii dhexe waxa uu ku qaatay  Burco, waxay ahayd waagii qorista Af-Soomaaliga sida wacan loo hirgaliyey, waxa uu ka mid ahaa dhallintii ugu horreysay ee nasiibka u heshay wax ku dhigashada afkeenna hooyo. dugsigii sare waxa uu ku kaga baxay magaalo madaxda Gobolkaasi Waqooyi galbeed, kolku Jaamacad u gudbeyna waxa uu doortey Macallinnimo oo waagaas ahayd shaqo aan maalin lagu qadin malaha haatanba waa sidii.

Waxa uu Macallinnimo ku shaqaysanayey in door ah, sharaf iyo karaamo ayaa korkiisa ahayd. Shilimada u ka  qaadan jirey dawladda waxay ahaayeen qaar dabooli karayey baahidiisa asaasiga ah. Waxa uu ahaa nin xarago badan oo cagtu ka saaraba xafaadda bukhuur isku jebsha, sidii cadrad gaaf u caweystagaysa timaha gadhfeedh kala daala, shaatiga hoos mariya surwaalka, kabahana caseysta, sidoo kale waxa uu ahaa ballamiye, la-ballamiye, baajiye, la-baajiye haasaaweyahan habaar ku qaba haloolinta dumarka.

Nasiib xumo waxa dhacdey Maqaadiirtii, haatan waaba qax, Dulcad iyo Daroor. Waxa dalka lagu soo noqdey dabayaaqadii sagaashannaadkii, muddo lix sanno ah waxa uu bare ka yahay dugsi gaar loo leeyahay oo ka madax bannaan dawladda Somaliland, wixii ka soo gali jirey wax ka qabsey,  gurigoodi hore ee dagaallada sokeeye burbursheen dayactir ku samee, mid cusub ka iibsey, kaalin shidaal oo farasmaagallaha ku taal kaba gadey. Xaqiiqdii gabar uu bari jirey B, T, J-da, cashar iyada u gaar ah bar oo beerka u salaax; guursey. Nasiibxumo Maqaadiir la kullan oo waaba kollanyo. Waxa uu la kulmay nin la odhan jirey Maxamed Darwiish  se lagu xanto Maxamed Billiliqo. Waa tahriibiye, waxa uu ku caan yahay laba shay:

“Middi waa  aaminaad, ta labaad  waa nin ku beddesha baasabooraddiisa hanti ma-guurto ah, sida guri, bakhaar ama dhul-bannaan.”

Cali waxa uu ku sugan yahay xero qaxoonti oo ku taalla dalka Holland, jeer hore  tobbanka farood iyo labada calaacalood laga tirsey oo lagu dhigey sumad reer Holland ah. Waxa uu Holland kusoo beddeshay kaalintisii ku taallay farasmagaallaha Burco, waa uu rajo weyn yahay, waxa uu isleeyahay kolkay warreysi kula yeeshaan waabey kaa daba keenin ooridaada iyo inantaadii Basra.  Lala yeelay warreysi, dhegaha hanfi ka bood, su,aalihii lagu soo ganayey qaar si fiicaan uga jawaab , qaar isbarbari, qaarna kuba bariiqey. Waxa uu Kaamkaas ku jirey lix bilood balse la kullan Maqaadiir. Waxa uu helay warqad, waxay waqraddu oranaysaa:

”Wareysigaad nasiisay muu ahayn mid na qanciyey, sharci naguma lihid, kaamkana toddobaad gudihii kaga bax.”

Waa dabeecad laysla yaqaan kolkay Holland ku rabto waa markey qaxoonti qaabili karto sharci wey ku siin haddaanay ku rabin sabab ma weydo.

Qaadhaan loo ururi, isku-qaad Iswiidhan sumaddii Holland laga soo hel  oo lagu soo celi Holland. Daawe kulul saaliid yar tifiq kusii dabdeedna gacmaha la gal, ilmo karkareysa  kasoo daadatey indhihiisa cabbaad dhammeysay oo isku-qaad Jarmani, sumaddii Holland laga soo hel oo lagu soo celi Holland. Gadhfeedh aandhaho shanlo  loogu tallagalay fiiqista liidadka gacmaha iskala-daal oo Fiinlaand isku-qaad, sumaddii Holland laga soo hel oo Holland lagu soo celi. Cali  is yidhi ha fogaan ee Buljumkan  dhaw ee la deriska ah Holland  isku-tuur, si yar oo fuddud loo soo tuur.

Ileyn geed la qabsadaana, toban sanno ayuu xaaskiisa kasoo maqan yahay, sannadadii  hore ee ay dardartu ku jirtey kollay Islaamo abaahi balse ooriiisuun baa ubad u haysay. Adduun wuu kafaro madhan yahay, maankiisa oy jug gaadhey aawadii aakhiro maba yaqaan, waa jaahwareer ku nool dalkan ay sumaddiisu ku taallo oon welibana dhaxanta iyo dabeylaha kaga jirin kaam,  habeenba meel seexda, marmarka qaar qof Soomaali ah la seexda, marmarka qaar Kaniisadaha, marmarka qaar Saldhiga booliska, marmar qaar derbiyada iyo goobaha tareenada laga raaco.  Dadka aqoonta u leh Cali waxay ugu yeedhaan “Soomaaliyada maanta”  halka uu isagu isooga yaqaan “Sumadda Gaalada”

 

Waxa Qoray:  Cabdisayid Aadan Soofe