Dhibaatooynka caafimaad ee haysta Gobolka Sanaag (WQ: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan)

Hordhac

Gobalka Sanaag waa gobalka ugu balaadhan Somaliland xaga baaxada dhulka, waxaanu xuduud la leeyahay goballada Togdheer iyo Sool, waxaana caasimad u ah degmada Ceerigaabo, magaalooyinka kale ee gobolku ka kooban yahay waxa ka mid ah Badhan, Gar-adag, Ceel-afweyn, Yube, Laas-qoray, Dhahar, Hadaftinimo, Shimbiraale, Carmale, Ceelbuh Damalxagare, Xingalool, Buraan, Balibusle Maydh iyo xiis.

Xaga cimilada gobalku wuxuu ka mid yahay meelaha ugu roobka badan maadaama oo ay ku taalo buuraha ugu dhaadheer Somaliland, waxa lagu qiyaasaa roobka degmada Ceerigaabo hesho sannadkii 800mm, halka degmooyinka kale ee gobolkana lagu qiyaaso 1500mm sannadkii.

Waxa laga joogaa saddex usbuuc markii aan safar shaqo ku tagay gobolka Sanaag, waxaanan jecleystay in aan halkan idiinku soo gudbiyo dhibaatoyinka caafimaad ee haysta gobolka Sanaag.

Inkastoo intooda badan ay kala siman yihiin gobolada kale ee Somaliland, waxaase iyaga u sii dheer gobolka oo aan dhaqaale fiican lahayn, wadooyin oo aan jirin taasina waxay keentay in xataa wixii gobolku soo saari lahaa aanay jirin meel la mariyo, waxa kale oo gobolka ku yar shaqaalaha caafimadka ee ka shaqeeya taasina waxay uga sii dartay xaalada caafimaad oo aan awalba fiicneyn, waxa kale oo gobolka haysta dadkii u dhashay oo marka ay wax bartaan aan ku soo noqon deegaanka.

Xanuunada ugu badan ee kajira deegaanka sanaag

  1. Shubanka (diarrhea)
  2. Oofta (pneumonia)
  3. Jabti (gonorrhoe)
  4. Jadeeco (measles)
  5. Gooryaan (giardisas)
  6. Tiibisho (tuberculosis)
  7. Calool olol (gastritis)
  8. Nafaqo-daro (malnutrition)
  9. Dhiigkarka dumarka uurka leh (eclampsia hypertension)
  10. Qanjo xanuunka (tonsillitis)
  11. Beer xanuunka (hepatitis)
  12. Dhicinta dumarku caruurta qubaan (abortion)
  13. Kixda (diphtheria )
  14. Dhago xanuunka caruurta (Otitis media)
  15. Macaanka ama sankorowga (diabetes mellitus)
  16. Qaniinyada abeesada
  17. Dhiig baxa dhalmada ka dib imaada (post-partum hemorrhage)

Dawaynta gobalka laga isticmaalo  

Gobalku wuxuu leeyahay dhul baaxad leh, waxaana lagu qiyaasaa inuu ka yahay dhulka Somaliland 38%. Marka la dawaynayo xanuunada gobalka ka dhaca, waxaa loo qaybiyaa laba nooc, waxayna kala yihiin in la isticmaalo dawo dhaqmeed oo ah ta badan ee bulshada gobalku isticmaasho iyo in la isticmaalo hab-daweyn casriya.

Gobalku wuxuu leeyahay cisbitaalo waawayn sida ka Ceerigaabo iyo Badhan, waxa kaloo ku yaala goobo adeegyada caafimaadka laga  bixiyo oo iskuga jira qaar gooni loo leeyahay iyo kuwa dawladu/dadwaynuhu leeyahay.

Dawo-dhaqmeedka

Dawo dhaqmeedku waa hab-dawaynta ugu sareysa ee gobalka sanaag laga isticmaalo. Sidaa waxaan ku ogaaday markii aan weydiiyay dad kala duwan oo ku kala nool Jiidali, Hadaaftinimo, Yube, Ceerigaabo iyo Badhan waxaanay dhamaantood isku raaceen in habdawaynta keliya ee laga siman yahay tahay dawo-dhaqmeedka gobalka laga isticmaalo. Waxaase ay u badantahay dawo dhaqameedku dhanka miyiga oo magaalooyinka waxaa laga hel-helaa adeegyo caafimaad haba yaraadeene.

  1. Dawo-dhaqmeedka gobalka Sanaag laga isticmaalo waxa ugu badan waa dhirta ilaahay ku manaystay gobalka, Waxaa kamida:Dacarta
  2. Moxorka
  3. Cusbo godka
  4. Xabo-godka
  5. Asalka
  6. Baxarasaafka
  7. Malabka

Talo-soojeedin:

Talooyin ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka caafimaad ee gobolka Sanaag haysta:

  1. In loo abuuro gobolka dhaqaale taabagal ah, korna loo qaado wax soosaarka gobalka
  2. In la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha, wadooyinku ha ugu horeeyaane
  3. In la dhiso goobo caafimaad si hoos loogu dhigo dhimashada caruurta iyo hooyada
  4. In la dhiso iskuulada caafimaadka lagu barto, si loo soo saaro shaqaale caafimaad oo tababaran si looga maarmo cid dibada uga timaada gobalka
  5. In mashaariicda dawlada Somaliland bixiso loo xoojiyo gobalka si kor loogu soo qaado
  6. In mashaaricda horamarineed la dardar geliyo siiba kuwa khuseeya waxbarashada
  7. In gobalku lagu xoojiyo gawaadhi badan oo gargaarka degdega qaabilsan
  8. In Dawladu ku deeqdo shaqaale caafimaad oo xirfad leh oo la geeyo goobaha caafimaad ee iminka jira, si joogta ah ay u joogaan.
  9. In Degmo kasta la geeyo ugu yaraan laba dhakhtar oo la tacaala cudurada guud.

Xigasho

  1. Somaliland: Elections for the Lower House of Parliament September 2005″ (PDF). Norwegian Centre for Human Rights/NORDEM. September 2005. Retrieved 30 April 2016
  2. Republic of Somaliland: Regions and Districts Law (Law No: 23/2002)”. Translation of Republic of Somaliland government document. 29 July 2002. Archived from the original on 26 November 2006. Retrieved 30 April 2016
  3. Environmental Study of Degradation in the Sool Plateau and Gebi Valley: Sanaag Region of Northern Somalia” (PDF). Horn Relief. February 2006. Retrieved 1 May 2016.
  4. USP and the means of its political weight – Historical Understanding”. Somalia Watch. February 1994. Retrieved 1 April

Waxa Qoray: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan