Madaxweyne Siilaanyo oo taageeray Sucuudiga, cambaareyna u jeediyey Eeraan

Eeraan oo xidhiidhka diblomaasiyadeed u jareen waddamo gaadhaya siddeex waddan oo ka tirsa jaamacadda Caraba ayaa maanta ku soo biiray in Somalilad oo cambaaraysay falkii uu lagu safaaraddii uu Sucuudigu ku lahaaa Tehran.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta khudbad sannadkiisii u jeediyey laba gole ee wakiilada iyo Guurtida ayaa waxa uu ku cambaareeyey falkaas, isagoo arrintaas ka hadlayan waxa uu yidhi:

โ€œWaxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaaradii Sucuudigu ku lahaa Waddanka Eeraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darida dalka Eeraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas.โ€

Isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi:

โ€œDawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan.โ€

Inkastoo uu hore ugu soo jeediyey somaliland Prof. Axmed Ismaaciil Samatar in aanay Somaliland qaadan mawqifka waddamada carabtu mareen, balse waxay Somaliland taageertay gebi ahaanba mawqifka waddamada carabta ka istaageen dhacdadaas.

bandhige@gmail.com