Madaxweyne Siilaanyo wuxu tacsi u diray askartii Imaaraadka lagaga laayey Yaman

Maxaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii ugu Tacsi u diray dalka Imaaraadka oo ay askar gaadhay 45 askari ka dhinteen Yaman, ka dib markii kooxaha maleeshiyada Xutuuyiintu weerareen xarun hubka lagu kaydo oo ay deganaayeen ciimada Imaaraadka ee ku jira dagaalka isbahaysiga Sucuudiga hoggaaminayo.

Tacsida Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa u dhignayda sidan:

Tacsi Madaxweyne

Innaa Lillahi wa innaa ilayhi raajicuun

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa dawlada Imaaraadka Carabta oo uu ka tacsiyadaynaayo ciidamadii ka tirsanaa imaaraadka Carabta ee dhawaan ku dhintay dalka Yamman oo kooxo nabad- diidi ay qas ka wadaan dalka Yaman.

Hore ayey Somaliland u cadays mawqifkeeda ku wajahan qalalaasaha Yaman ka socda oo dawladii sida sharciga ah uga jirtay Yaman ay duulaan ku soo qaadeen kooxo nabad-gelyada iyo degenaanshaha gobolkaba cadaw ku ah, waxaanan taageeraynaa dedaalada Imaaraadka carabta iyo Sucuudigu ay ku doonayaan in ay ku badbaadiyaan shacbiga Yaman, aadna waxa aan uga xunnahay ciidamadaasi imaaraadka ee lagu laayey dalka Yaman, shacbiga, dawlada iyo Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayid Al Nahyan tacsi ayaanu u daraynaa.

Innaa Lillahi wa innaa ilayhi raajicuun

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.