Wasiirrada Maaliyadda iyo Waxbarashada oo xadhigga ka jaray xarun wax-akhriska oo ay xukuumaddu u dhistay Jaamacadda Cammuud

Wasiiradda Wasaaraddaha Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Waxbarashada Pro. Faarax Cilmi Geedoole ayaa xadhiga ka jaray xarun wax-akhris oo xukuumaddu u dhistay Jaamacadda Camuud.

Sido kale waxa joogay musnaasibada xadhig ka jarista Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, maamulka Gobolka iyo Masuuliyiin kale oo tira badan.

Waxaan ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed isagoo ka waramay faa’iidada iyo qiimaha weyn ee xarumaha wax-akhrisku ugu fadhido Jaamacadda iyo bahda waxbarashadaba, waxaanu halkaasi hadalo mahadnaq ah ugu jeediyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo dhismaha hirgalintiida kaalin wayn ka qaatay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi:

’’Maanta waxa farxad noo ah xaruntan wax-akhris ee la dhameeyey oo qiimaha badan noogu fadhida, oo ay Wasiir Samam iyo Wasiir Faarax ay xadhiga nooga jarayaan, runtii waa mid qiimo wayn ugu fadhida jaamacada, dhismaha oo lacagta ku baxday ay dhan tahay boqol iyo soddon kun oo dolar $130,000 taas oo ay dhamaanteed ay fududaysay xumkuumaddu, gaar ahaan wasiirka Maaliyadda oo markii ay ahayd Wasiirka Waxbarashada miisaaniyada sannadka noogu dartay, iyadoo ilaa imikana waxyaalo badan noo fududaysa.”

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Wasiirka Maaliyadda Samsam runtii Jaamacadda Camuud iyo Bahda Waxbarashada ee Somaliland oo dhan intii ay wasiirka ka ahayd Wasaaradda Waxbarashada waxa ay ahayd masuul ku sifoobay, daacadnimo, go’áan wanaag, la tashi, himolo dheero, dhiiri-galin taasi oo hoggaamiyaha wanaagsan lagu garto.Waxa kale oo aan halkan ka sheegayaa Wasiirka hadda taladda Wasaaradda Waxbarashada haya oo isaguba ahaa bahda Jaamacadda Camuud uu yahay masuul xilihiisa si wanaagsan u gutay hoggaan wanaagsana maanta u ah Guud ahaan Waxbarashada Somaliland”

Waxa kale oo intaasi ku daray:

‘’Sidoo kale halkan waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda na soo booqatay ee maanta munaasibadan nala fadhida, waxaan mar labaad halkan aan leeyahay Wasiir Samsam, dhimsihii xarunta wax-akhriska si wanaagsan ayaa loo dhamaystiray, waxaase uu u baahan yahay qalabayn dhinacyada agabka ah si uu u noqodo xarun wax-akhris oo dhamaystiran, oo kuraastii, kombuyuutarkii iyo shalfisyadii buugaagta la dhiganayayba leh, intaasina inaad noogu dari doonto waanu fialaynaa wasiir oo waanu kaa sugaynaa.”

Sidoo kale Wasiiradda Wasaaraddaha Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Xanaanada Xoolaha Cumar Yare, Waxbarashada Prof. Faarax Cilmi Geedoole, ayaa iguna madashaasi ka soo jeediyey hadalo kooban kuwaasi oo ku dheeraaday qiimaha ay xukuumadda Kulmiye ay u leedahay bahda waxbarashada, waxaanay dhammaantood ay xuseen in Jaamacadda Camuud ay tahay tusaale wanaagsan oo astaan u ah koboca waxbarasho ee Somaliland, sidoo kale waxay masuuliyiintani balan qaadeen in hiil iyo hooba isla barbar taagi doonaan jaamacadda Camuud iyo guud ahaanba bahda waxbarashada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa intii uu wafdigu ku sugnaa Jaamacada Camuud ayaa waxa uu dhagax dhigay xarunta wax-akhriska ee culuumta Sayniska ee oo lagu soo kordhin doono Jaamacadda Camuud.

bandhige@gmail.com