Diyaaradaha dagaalka Imaraadka Carabta oo weeraray xuutiyiinta Yaman

Shan iyo afartan askari oo Imaaraati ah iyo Toban askari oo Sucuudiyaan lagu dilay dagaalka ka socda Yaman maalmihii ina dhaafay, ayaa maanta waxa weeraro cirka ah bilaabay diyaaradaha dagaalka ee Imaraadka oo beegsanaya mucaaradka Xuutiyiinta ee Yemen.

Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo ayaa doonaya in ay xukunka ku soo celiyaan madaxweynaha oo waddanka ka baxay, kadib markii Xuutiga ay qabsadeen Yaman.

Sida ay sheegtay warfaafinta Imaaraadku diyaaradaha dagaalku waxay beegsadeen dhowr meelood ay Xuutiyiintu degan yihiin.

Ku dhowaad 4,500 qof ayaa ku dhintay dagaalka tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka Yaman sidaasna waxa sheegtay Qaramadda Midoobay.

Dawladaha dagaalka Isbahaysiga ayaa sheegay in ay dureen kumanaan askari Yaman si ay xukunka dib ugu soo celin lahaayeen Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.

Sidoo kale waxay dawladaha Isbahaysigu ka caawiyeen maleeshiyaadka Koonfurta in ay qabsadaan Xuutiyiinta Cadan, oo ay haatan u sii socdaan dhinaca waqooyiga.

maydka askarta Imaaraadka

bandhige@gmail.com