Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir (Q.1aad W.Q Boobe Yuusuf Ducaale)

(1942kii – 2015ka)

“Qacda kamaradaydiyo,

Buug xusuusta qaadiyo,

Qabashada rikoodhkiyo,

Qalinkiyo dawaaddiyo,

Qoraalkaygu way wehel,”

Tuduc, Boobe Yuusuf Ducaale

Qormadii: 1aad

In kasta oo uu sarkaal millateriya ahaa, ma aan arag noloshiisa intii ugu badnayd isaga oo aan qalin, buug-yare wax lagu qoro iyo kamira wax lagu sawiro sidan. Sidaas ayaan tuducan ugu soo xushay Siciidna waxa lagu xusuusanayaa in uu qoraa qiimo leh ahaa. Ilaahay waxaan ka rajaynayaa in aanu inaga lumin keydkii qoraalladiisa iyo sawirradiisa. Qaybaha danbe ayaynu ku dhex qaadi doonnaa hodannimadiisii qalinka iyo kamirada.

Waa maalin Isniineed oo ay bishan Ogos dhammaadba iska ahayd. Waa 31dii, sannadkan h2015ka. Tirsigeenna taariikhda ayaa sidaa iskaga badan.

Waa gelin danbe waxaanan ku sugnaa gurigayga. Saacaddu waxay ku beegnayd afartii galabnimo oo wax dhiman. Markaas ayaan u holladay in aan hurdo daalka maskaxeed sabab u ahaa ka tooso. Miis-yaraha sariirta ku dheggan, tilifoonkii oo saarnaa ayaa cod yar hooseeya isku garaacay. Waan la booday. Dacalka kale waxa kaga jiray, Mujaahid Maxamuud Sandheere. Ruug-caddaa, saaxiib halgameed oo dirkii Gawlalaale ahaa. Saa waa war dhiillo leh. Ku-ye: “Siciid Cali Giir, ma maqashay?”

Anna: “Maya,” ugu war-celiyay. Misana: “Waxa la sheegay in uu Laas-caanood ku dhintay oo lagu aasay e’, bal war doon oo igu soo war-celi.” Tilifoonkii inta aan dhigay ayaan deg-deg u kacay. Kombiyuutarkii ayaan halabsaday. Mareegaha oo weliba kuwa ‘Landta’ u badan ayaan dhex-rooray. Saa warku waa jiraa oo Siciid Cali Giir xaqii ayaa ku soo degay. Ilaahay ha u naxariisto. Hargeysaawi dhab ah oo dhalad ah. ……Nin ay Somalandnimadu dhab ka ahayd.

Cali-mahad ayaa Berbera igala soo hadlay……Keyse Shukri Jaamac oo carruurnimo mar Siciid Cali Giir kula kulmay su’aalona weydiiyay ayaa ila soo xidhiidhay. Culays badan ayaa maalmahan i saarnaa. Silsilad ilaa toddoba Buug ah oo Dhaxal-reeb ah ayaan isku hagaajinayay. Dhallinyaro badan oo wiilal iyo gabdhaba leh ayaa qabyada Buugaag badan oo ay qoreen ii dhiibtay si aan isha u soo mariyo.

Haddana waa sidii hore loo yidhi oo: “Fallaadhi gilgilasho kaagama go’do,” Siciid Cali Giirna nin si fudud oo caddaysimo ah ku taga ma uu ahayn. Xusuustii ayaa ila jiidatay. Muuqaalladii noloshiisa ee aan aqaannay ayaa sida filimmada ii soo hor maray. Jimidh-yaraantii…….Adkaysigii badnaa…….Sheekooyinkii taariikheed iyo aqoontii la yaabka lahayd ee uu dal iyo dadba u lahaa. Sidii uu u sheekayn jiray ee uu masalooyinka iyo tusaalooyinka taariikhaysan ugu ladhi jiray hadba ma-hadhada uu marinayo.

Waxa sida hillaaca ii hor maray meelihii aan ku arki jiray. Sannadihii siddeetanaadkii ee aanu Muqdisho wada joogi jirnay. Maalmihii dul-saarka ahaa ee aanu SNM ka wada tirsanayn oo u badnaa Jigjiga iyo Diri-dhabe. Waxa ka mid ahaa maalmo koobnaa oo aanu Addis-ababa iyo Hararba wada joognay. Waxaan soo xusuustay xilliyo uu ka tirsanaa Guddidii Fulinta ee SNM oo aanu laba goor Shirar Addis ka dhacayay Jeeniweri iyo Maarj 1993kii ka wada qayb-gallay.

Maalintaa aan geerida naxdinta leh ee Siciid maqlay, waxa xusuustayda ugu badnaa wareeggiisii Hargeysa ee aanu dhaafi jirin ee inta badan aad ku arki jirtay. Sekedda Rakuub ayaa xaggaa ugu xigtay. Jidkan Togdheer iyo Sooyaal isku xidha ayuu xagga bari ka fadhiisan jiray ama mari jirayba. Purple Coffee ayaa rukun iyo raasba u ahaa. Xaafadaha ka sarreeya marar ayuu deggenaa. Jidkaa Steak House taga ayaad ku arki jirtay. Beryahan danbe Steak House ayuu macmiil u ahaa. Xagga shacabka marka uu fogaado Imperial ayuu gaadhi jiray. Nin yaqaannay wuu ogaaye, wareegga Siciid Hargeysa kaas ayuu ahaa.

Hor iyo horraanba waxaan maqli jiray aniga oo carruur ah in uu Siciid Cali Giir ka tirsanaa Saraakiishii inqilaabkii fashilmay dhigtay 1961kii. Haddi uu Siciid caan ahaa, waxa caan-bixiisa ugu horreysay inqilaabkaa fashilmay ee lagu xidh-xidhay markii wax lagu waayayna lagu sii daayay.

Haddii aanay xusuustaydu i dagayn, waxaan qof ahaan ku bartay magaalada Muqdisho xilliyo uu ka shaqayn jiray Madaxtooyadii Maxamed Siyaad Barre. Siciid Cali Giir ma ahayn oo keliya Sarkaal millateriya bal se wuxu ahaa aqoonyahan ku xeel-dheer waayaha dunida iyo culuunta siyaasadeedba. Siciid wuxu ku dhashay magaalada Hargeysa, isaga oo dhowr bilood jirana waxa la geeyay magaalada Cadan sida laga soo weriyay wiil uu adeer u yahay oo Mareykanka jooga. Waxbarashadiisii ilaa Dugsiga Sare halkaas ayuu ku qaatay, aniga oo filaya in uu ka soo baxay Dugsigii Sare ee Saint Joseph oo ardaydii ka soo baxday saamayn badan ku yeelatay Somaliland. Danjire Qaybe ayaa isaguna dadkaas ka mid ahaa. Ka-dibna Akaademigii Millateriga ee Sandhurst ayaa loo diray oo ay ka soo baxeen isaga iyo saaxiibbadii.

Keyse Shukri Jaamac oo saaka mar ii soo garaacay aya ii sheegay in uu Siciid Cali Giir kula kulmay Diri-dhabe. Maalinta Keyse wuxu u sheegay in falliidho rasaas ah oo ku dhacay 1964kii, mar uu ka dagaallamayay Daba-gorayaale ay weli ku jiraan. Keyse ayaa ku yidhi nin aqoon leh ayaad tahay e’, maxaa ciidammada kuu geeyay. Siciidna wuxu ugu jawaabay in uu jeclaan lahaa in uu Looyarnimo soo barto bal se loo sheegay in ay beryahaa diiddanayd Boqoradda Ingiriisku. Siciid wuxu Keyse maalintaa u sheegay in isga oo fadhiya makhaayadda Tuyuub uu u yimid Cumar Hadraawi oo uu ku dhiirri-geliyay in uu ciidammada galo. Siciid Cali Giir yaraantiisii wuxu lahaa janjeedh uu ugu xagliyo dhinaca Hanti-wadaagga.

Sidaas ayuu Kulliyaddii Ciidammada ee Sandhurst ku galay sarkaal ciidammada ahna ku noqday. Sidii aan idiin soo shegay Madaxtooyadii Siyaad Barre ayuu ka hawl-geli jiray isga oo xagga xidhiidhka dadweynaha u hayn jiray. Dhaqanka ayaa ahaan jiray in uu Siyaad Barre toddobaadkiiba la kulmo ilaa afar qof oo dadweynaha ka mid ah, sida Keyse ka soo weriyay Siciid Cali Giir. Si aad ugu dhow ayuu ula shaqeyn jiray Madaxweyne Siyaad, taasna waxaad ka garan jirtay mararka uu ka sheekaynayo dabeecadihiisii iyo siyaabihii uu wax u xukumi jiray ama qaababkii uu dadka ula xidhiidhi jiray.

Markii uu qarxay dagaalkii lagu hoobtay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, Siciid Cali Giir, wuxu ka mid ahaa saraakiishii dib loogu yeedhay ee dagaalka gashay isaga iyo saaxiibbadiiba.

Tan iyo maalintaa la is-raacay Soomaaliya, 1dii Juulay 1960kii, shacbiga Somaliland oo xilliyadaa loo yaqaannay reer woqooyigu wax badan ayay tabanayeen. In kasta oo aanu dadku wax qori jirin oo aan buugaag la isku cabbiraa jirin, haddana waxyaabihii ama agabkii ugu badnaa ee ay dadku dareenkoodu ku gudbin jireen wuxu ahaa suugaanta gaar ahaan: Heesaha, Riwaayadaha, Maansooyinka iyo qaababka kale ee la midka ah.

Inqilaabkan saraakiishu dhigtay wuxu ka tarjumayay dareenkaas oo xilliyadii danbe aad u baahay meel walbana ay qayladu gaadhay. Tusaalooyin badan oo nool ayaynu u soo qaadan karaynaa tabashadaas shacbigii woqooyiga ku noolaa guud ahaanba.

Waqti ku sinnaa bishii Ogos 1960kii, toddobaadkii ugu horreeyay weliba, ayuu Ra’iisal Wasaare Cabdirashiid Cali Sharma’arke booqasho ku yimid gobolladii woqooyi. Kalabaydh oo ka tirsanayd Degmo-xigeenkii Gebilay ayaa aad loogu soo dhaweeyay. Dadkii halkaa wefdiga ku qaabbilay waxa ka mid ahaa Timacadde, geeraarro uu halkaa ka tiriyayna, waxaynu ka soo qaadan karaynaa:

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

cankaabo@hotmail.com , www.dharaaro.com

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)