Madaxweyne Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Raisedon Zenenga oo Booqasho ku Jooga Somaliland.

kulanka ka dib waxa saxaafada uga warbixiyey wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay in ay ka wada hadleen labada dhinac sidii ay u sii kobcin lahaayeen una balaadhin lahaayeen wada-shaqaynta Somaliland iyo UN-ka ka dhaxaysa, sidoo kale waxay ka wada hadleen dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka, arrinkii doorashooyinka oo imika dhamaaday kuna dhamaaday go’aankii maxkamadda iyo arrimo kale oo dhawra.

ugu danbayna waxa halkaasi ka hadlay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sheegay in ay dalka ugu danbaysay 1992 ilaa 1993 gii wakhtigaasi oo uu ka shaqayn jiray UN-ka ee dagaaladu ka socdeen Xamar, wakhtigaa dheer ka dibna aan Somaliland ku soo noqday maanta iina muuqdeen in ay Somaliland samaysay horumar balaadhan oo dhinacyada, nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka, dhismayaasha, arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, taasina ay tahay wax lagu farxo, qaramada midoobayna ay diyaar u tahay in ay idin barbar-istaagto oo ay sidii ay horeba idinla shaqayn jirtay iyo si ka wanaagsanba idinla shaqayn doonto.

kulankan oo ay goobjoog ka ahaa Madaxweyne-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”, Wasiiradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye, Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Kulanka ayaa wakhti go’aan lagaca muddada doorashada oo muran siyaasadeed ka taagnaa.

bandhige@gmail.com