War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa waxa lagu sheegay in iscasilaadii laga aqbalay masuulkii labaad ee iska casila xilal uu dhowaan magacaaabay Madaxweyne Siilaanyo.
Masuulkan labaad ayaa waxa uu hore ugu magacaabay Madaxweyne Siilaanyo Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame.
War-saxaafadeedkaasi waxa uu dhignaa sida tan:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha Allah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku haboon isla markaana hanan kara xilkaa Qaran.
Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:-
Ku: Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Mudane,
In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.