Madaxweyne Siilaanyo oo ku soo guryo-noqday Hargeysa kadib safar qaatay toddobaad

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo safar shaqo ugu maqnaa Togdheer ayaa gelinkii dambe ee  Khamiistii soo gaadhay Berbera maanta u soo gudbay Hargeysa.

Weftiga waxa soo galbiyey madaxda gobolka saaxil heer gobol iyo heer degmo iyaga oo kaga hadhay taallada Cumar-ku-joog oo u astaysan in ay tahay badhtamaha labada magaalo ee Berbera iyo Hargeysa.

Weftiga madaxweynaha waxa iyaguna halkaas diyaar ugu sii ahaa masuuliyiinta gobolka Maroodijeex.

Markii uu weftiga madaxweynuhu soo gaadhay Hargeysa waxa lagu qaabiley soo dhawayn aad u diirran iyadoo ay dadweynuhu is tubeen inta u dhaxaysa kantaroolka bariga Hargeysa ilaa qasriga Madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaanyo intii uu maqnaa wuxu ka qayb-galay sannad-guurada ciidamada qaranka ee Somaliland oo lagu qabtay Oog. Wuxu sidoo kale Togdheer xadhiga ka jaray ama dhagax-dhigay mashaariic horumarineed.

bandhige@gmail.com