Waar xaggeed ku socotaa? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Dadka intiisa badan maanta haddii aad waydiiso waar xaggeed ku socotaa mid jawaab kaafi ah ku siinayaa wuu yar yahay.

Oday waddo taagan oo uu bas dhaafay ayaan soo maray markaas ayaan gaadhigii u joojiyay. Markii uu soo koray ayaan weydiiyey “xaggeed u socotaa?” wuxuu iigu jawaabay “waan iska socdaa.” Waxaan u qaatay in uu kaftamaayo laakiin maanta marka aad eegto nolosha dadka waxay u badan yihiin in ay iska socdaan iyaga oo aan garanayn halka ay ku socdaan.

Nin waddo marayay ayaa isgoys soo gaadhay. Oday meesha taagnaa ayuu waydiiyay waddooyinku waxa ay kala yihiin. Odaygii wuxu ninkii waydiiyey “adigu halkee ayaad doonaysaa in aad tagto?” Ninkii gaadhiga watay odaygii wuxu ugu jawaabay “waan iska socdaa.” Kadibna odaygii ayaa yidhi haddii aanad meelna u socon dee waddooyinka ta aad doonto iska qaad.

Qaar baa la yaabaya dadkaa iska socda. Bal qof walowba is waydii xaggeed u socotaa. Haddii aad garato xagga aad u socoto ficilkeedii ma leedahay muujinaayay halkaa aad u socoto.  Dayuurad maad raaci aanad garanayn xagga ay u socoto. Waxa la yaab ah sababta ay dadku nolosha u nool yiihiin haddii aanay garanaynba xagga ay ku socdaan.

Maanta dadka marka aad u fiirsato waxad arkaysaa in ay iska socdaan uun. Ha ugu darnaadaan basaasiinta (laba wajiileyaasha) iyo gaaladu eh. Waayo labadaasi ma xisaabtamaan oo ma aaminsana in lays xisaabindoono. Haddii ay ku yidhaahdaan waan aaminsan ahay been ayay kuu sheegayaan oo waxa ay afka kaa leeyihiin iyo ficilkooda ayaa is khilaafsan. Waxa ay ku kacayaan ma ay sameeyeen haddii ay aminsan yihiin in ay xisaabi dambayso.

Noloshu ma aha wax xidho, waxna cun, waxna fuul. Xayawaankuba intaa waa ay sameeyaan. Noloshu intaa waa ay ka qiimo badan tahay. Qofka Muslimka dhabta ihi wuu xisaabtamaa wuxu aaminsan yahay in ay  dambayso maalin la is xisaabinayo. Wuxuu og yahay halka  uu u socdo markaa diyaargarawgeediina wuu leeyahay.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

 

nur.hersi21@gmail.com