Xuska maalinta caalamig ee joojinta gudniinka hablaha oo lagu qabtay Hargeysa

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ururadda la shaqeeyaan ayaa waxay maanta sida wada jir ah u qabteen xuska maalinta caalamiga ee joojinta gudniinka hablaha.

Musaasibadan oo wadajir u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ururadda maxaliga iyo caalamiga ahi, waxa ka soo qayb galay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka iyo Wasiiru-dawlada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo dadweyne kale oo fara badan.

Ugu horeyn waxa musaabidan ka hadlay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luul Aadan Geedi oo sharaxaad dheerย  ka bixisay ujeedada munaasibadan iyo dhibaatooyinka uu leeyahay Gudniinka hablaha, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:

“Maanta waa maalinta loo asteeyey joojinta gudniinka hablaha oo saameyn weyn ku haya bulshada iyo hablaha da’yarta ah, waxaaan rajaynayaa in sannadka ay soo bixi doonta siyaasada qaranka ee lagu joojinayo guud ahaanba gudniinka hablaha.”

Wasiiru-dawladaha wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud oo ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu in ay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay ka goโ€™an tahay in ay la shaqeeyaan ururada ka shaqeeya iyo dhammaan daneeyayaasha joojinta gudniinka gabdhah, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œGudniinka Fircooniga waxa lagu isku raacay in la joojiyo, balse Aniga waxa naga goโ€™an in aanu ka shaqayno joojinta gudniinka gabi ahaantiiba. Waanu soo dhoweynaa cidka oo hawshaas waxa ka qabaynaysaba.โ€

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadashay Guddoomiyaha Dallada NAFIS Aamina Milgo oo sheegtay in gudniinka haatan si weyn loogu sameeyo hablaha jooga miyiga, iyadoo arrimahaas ka hadlaysana waxay tidhi:

โ€œHadayba ugu daran tahay marka loo eego barigii hore oo la samayn jiray mid fircooni la yidhaahda waxaad maqlaysaa qaar yidhi waxaanu qaadanay sunne oo la mid ah ama ka sii daran kii hore.โ€

Dhinaca kale waxa munaasibadan ka hadlay Caaqil Maxamed oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu bulshada ka wacyi galiyo joojinta gudniinka hablaha, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œAnigu dadka ugu horeeya ayaan ahaa ee ka hadla arrinkaa dad badana way ila yaabi jireen
marka aan ka hadlayo balse waan sii wadayaa arrinkaas in Ilaahay ugu guulaynayo.โ€

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo sheegay in ka wasaarada ahaan ay diyaar u yihiin in ka shaqeeyaan sidii loo soo saari lahaa fatwo ka dhan ah gudniinka oo ay haatan ka shaqaynayaa, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œMaanta maaha maalin farxada ee waa maalin murugo oo dumarkeena ay asiibtay dhibaatadani, Islaamku wuxuu dhawraa xuquuqda qof walba, balse waxay waddanka la wadaa sunne khilaaf baana ka taagan sunaha, Waanan ka xunahay in howshaa la wado dowladda ahaana waan ka shaqayn doonaa.โ€

Gabagabadii waxa munaasibadan soo afmeeray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Maxamuud Axmed โ€œCali-Sanduleโ€ oo sheegay in ay ka wada shaqayn doonaan wasaaradda Diinta iyo Awqaafta sidii sharcii looga soo saarin lahaa ku gabood falka xuquuqda hablaha, isagoo arrintaasia ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWasaradda Diinta iyo Awqaafta waxaanu ka wada shaqaynaynaa sidii sharci iyo fatwo looga soo saari lahaa gudniinka faraha baas ku haya hablaheen iyo qoysaskeenaba, waxaan rajaynayaa in dhowaan sharci lagu joojiyo aynu heli doonno.โ€

6-da Feebarwari ayaa waxa sannad walba dunida laga xusaa joojinta gudniinka hablaha oo saameyn caafimaad iyo mid dhaqaalaba ku haya hablaha. sannadka waxa iska kaashaday qabashada xuska sannadkan ururada ka shaqeeya ee kala Y-PEER, IRADA, WAAPO, NAFIS, Candle light, NAGAAD, CCBRS, SOWRAG, SOFHA, Action Aid, HPA iyo Hay’adaha Qaramada midoobay ee UNICEF IYO UNFPA.

Hoos ka daawo muuqaalka xuska:

2 3 4 DSC04884 DSC04885 DSC04891 DSC04892 DSC04900 DSC04907 DSC04908 DSC04912 DSC04913 DSC04915 DSC04916 1

bandhige@gmail.com