“iimaankii, adduunkii, arsaaqdii, awoodii, aqoontii, dalkii, dadkii waxa inna dhaafin kara waa macsidii, intaasi markay..”
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in iimaanka, aduunka, arsaaqda, awooda, aqoonta, dalka, iyo dadkaba ina dhaafin karto macsidu (dunuubta), hadaynaan iska qaban dadka ku jira.
Sheekh Maxamed oo khudbadii shalay kaga hadlayey sababaha dhibaatooyinka dadka bani’aadamka ku dhaca iyo sida loogaga baxi karo ayaa yidhi:
“Waxa dalka ka jirta abaaro iyo dhibaatooyin guud ahaan ummadaha islaamka haysta, taasoo mid waliba leeyahay sababo keenay, marka dadku fahmaana kaga bixi karaan, hadii laga noqon waayo ama laga toobad keeni waayana way ka sii daraan mashaakilkaa iyo masiibooyinkaasi. Mowduuca aynu kaga hadlayno khudbada maanta (shalay) waa raadka (Cuqubada) dunuubta (dembiyada) la sameeyo ay ku yeeshaan dalka, dadka iyo duunyadaba, oo ku yimaada Ilaahay oo la caasiyo, waxay keentaa in nimcadii ilaahay siiyey adoomahiisu meesha ka baxdo, oo dadku ku dambeeyaan waxaa-saanu arki jirnay, maqli jirnay, oo naqaanay, maxaa bedelayba isma weydiinayaan? Ta labaadna waxa weeye in masiibooyin soo bedelaan dheeftii ummadu heli jirtay, sida ilaahay aayad qur’aanka ugu sheegay, “Dheef Ilaahay ummada siiyey ma bedelo, ilaa ummadu bedelaan mahadnaqii Ilaahay, markuu qolo dhibaato la doonana ciddi kama horistaagi karto”
Sheekh Dirir ayaa sheegay in dhibaatooyinka maanta ummadu dareemayso ay keentay macsiyadaa, waxaanu yidhi:
“Waxaynu ka dhigan nahay dad ka sheekaynaya dhibaato haysata oon baadhitaan ku samaynayn waxa keenay cudurkiisa, cudurkana dawadiisa gu horeysa waa inaad ogaataa noocuu yahay. Macsiyada iyo dunuubtu waxa ugu horeeya ee dadka ay ka dhaawacaan waa raasamaalka weyn (IIMAANKA) ay jannada ku helayeen hadday ummadu ku gacan-saydhay Ilaahayna wuu ku yareynayaa, sida ilaahay aayadan tusaalaha inoogu soo qaaday, “Waxa jirtay beel degenayd, nabadgelyo haysatay, badhaahde iyo barwaaqo haysatay oo arsaaqadu dhinac walba uga imanaysay, siday ugu jireen ayey nimcadii Ilaahay xadeen (oo sheegeen inaan la siin, hadaanay qawl ku odhana ficil ku muujiyeen) Ilaahayna waxuu ugu bedelay inuu dharkii cabsida iyo gaajada u geliyey, oo abaaro, cadow iyo gaajo ka cabsanayaan, ilaahayna waxuu sheegay inaanu dulmin ee waxii ay sameeyeen ku mutaysteen. Nimcada labaad ee ilaahy ku qaado dunuubta waa nabadgelyada.”
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in macaasidu ka dhexsaarto dadka sacaadadda uu qofku ka helo raaxadii qalbiga iyo nasashada naftiisa, taasoo qofka ilaahay ku xidhan uu qalbiga ka helo, halka dadka ku gefa iyo gaaladuna ku abuurta werwerka qalbiga, hanti badanba ha haystaane, sida Ilaahay aayad ku sheegay:
“Qofka ka jeesta cibaadadayda nolol cidhiidhi ah ayaan geliyaa. Macsiyadu waxay lumisaa nimcada towfiiqda iyo gaadhitaanka halkaad doonayso, sida nebigu CSW xadiis inoogu sheegay, “qofka hamigiisu yahay aduunyada, arrimahiisa wuu kala firdhiyaa, faqrigana labadiisa indhood ayuu saaraa, mana helo waxii looga qoray wax dheer, qofka Ilaahay ku xidhana wuu u kulmiyaa arrimahiisa aduun iyo aakhiraba”
Sheekh Maxamed ayaa yidhi:
“Macsiyada dadka samaynaya marka layska qaban waayo way baahdaa, markaa ayey dadka, dalka, dhirta iyo dhagxaantaba jiidhaa, oo kharibta ailayn waa sadho iyo sunne, nebi Maxamed CSW waxuu yidhi, isagoo inoo tilmaamaya “dhagaxa Xajarul-aswad ee xaramka yaala, isagoo caanaha ka cad ayaa jannada laga keenay, waxa madoobeeyey duniibta bani’aadamka” raadka macsiyadu (dunuubtu) halkaa ayuu ka muuqanayaa, nebiguna CSW ummadiisa mar walba wuu uga digi jiray aynu ku jirno, maalin ayaa meyd la wado la soo hormariyey, markaa ayuu yidhi “ama wuu raaxaysan ama waa laga raaxaysan” markaa ayuu sii macneeyey oo yidhi, haduu qof islaam ahaa isagaa aduunyada ku dhibanaa oo wuu ka raaxaysan, hadii qof faajir ahaana dadka iyo dalkuba way ka raaxaysteen, qofkastoo faajir ah, walaalkaa, aabahaaba ha ahaadee waa laga raaxaystaa markuu dhinto Nebiguna CSW waxuu yidhi qofkii faajirkaa ahaa jinaasadiisa iska dedejiya.
Sheekh Maxamed ayaa yidhi raadadka macsiyada waxa ka mid ah inay disho quluubta, qofkuna qalbiga ayuu ka nool yahay, waajibaadka Ilaahay inna saarayna waa meelaha laga guto, hadii markaa dadka quluubtu ka dhimato waa qalfoof socda weligood ha isogaadaan ama yaanay is-ogaane, markaa haddaynu soo uruurino waxa aynu u baahan nahay dhamaantood iimaankii, aduunkii, arsaaqdii, awoodii, aqoontii, dalkii, dadkii waxa inna dhaafin kara waa macsidii, intaasi markay kaa xumaadaan, waxaad noqonaysa aqof waalan oo jeel weyn (wadan) iska dhexwareegaya, markaa dadku waa inay ka fekeraan waxa keenay dhibaatada, wadar iyo waaxidba, hadii ummada kii xoolo uruurinaya uu xaaraan, ribbo iyo ummada maalkeeda ka keeno, kii xaragoonayey qaabkii qaalada ku deydo, kii yidhaahda waan istareexayaa balwad bidayo, kii faanaya dhaqanka shisheeyaha iyo daba cararka aragtidooda ku faanayo, dadka sidaa u nool ee afcaashoodii noqotay, side bay Ilaahay wax uga sugayaan? Ilaahay ka quusan maynee, waa inaan toobad keenaa, sidaa ayeynu ku heli karnaa roobka, arsaaqada, urursanaanta, guusha iyo horumarka