Qabiil ayaan la dagaalamayaa qabiilna waan u doodayaa Cabdikariimow adigaa lagaa hayaa (WQ: Caaqil Cabdiraxmaan Cabdi)

 

Cabdikariim Axmed Mooge oo ahaa Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta xil-ka-tagistiisii wuxu sababeeyey in uu u banbaxayo la-dagaalanka qabiilka. Laakiin marka aad aragto isaga oo maanta difaacaya garabka ganacsadaha Cumar Caydiid ee ay isku haybta yihiin ee uu waliba isaga oo xanaaqsan ka hadlayo arrinta tiyaarta ee khilaafka dhalisay isaga oo aan eegin waxa la isku hayo ayaa waxay u muuqataa in aanu qabyaaladda la dagaalamayn oo isagu qabyaaladiiste yahay.

Cabdikariim marka uu u doodayo ganacsade Cumar Caydiid waxaa jira boqolaal kale oo ay isku reer yihiin oo la dulmiyey balse aanu ka hadal markaa waxaynu odhan karnaa Cabdikariim uma doodo danyarta ee waa nin u hadla hadba ninka  hanti leh.

Cabdikariim waxa uu ku raacay ganacsade Cumar Caydiid waa adduun iyo hanti. Sida ilo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen Cumar Caydiid waxa uu guri filla ah uga dhisay xaafadda Calaamadaha. Taasina waxa ay kuu caddaynaysaa in uu Cabdikariim yahay nin qawlayste ah.

Cabdikariim waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku sheegay beenaale, isaga oo aan agaasimaha hadalkiisa wax xanaf ahi ka muuqan markii uu warbaahinta la hadlayay, waxaanu ahaa masuul gudanay xilkii loo igmaday. Taasi waxa ay muujinaysaa indho-la’aanta uu Cabdikariim ku tageersanyahay ganacsadaha reer Jabuuti ee darafka ka ah arrinta khilaafka tiyaartka.

Ma gayo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudahu gefka iyo deelqaafka uu kula kacay. Cabdikariim Mooge waxaana ka codsanaynaa in uu gefkaasi xaal ka bixiyo. Waxa kale oo aan Cabdikariim u soo jeedin lahaa talo ah in aanu adeegsan magaca qabaayalad-la-dagaalan, laakiin uu ku ekaado wajigiisa dhabta ah oo ah in uu u hadlayo danta reerkiisa waliba kuwa haynta fiican.

Caaqil Cabdiraxmaan Cabdi

Hargeysa, Somaliland

“Aragtiyaha lagu lagu daabaco Bandhige waxay gaar u yihiin loona nisbeeyaa qoraaga maqaalka”