80 Masaajid oo ku yaalla Ingiriiska oo lagu casuumay dadka aan Muslimiin ahayn

Golaha Muslimiinta Ingiriiska ayaa waxay soo qaban qaabiyeen maalin ay ugu magac dareen maalintayda Muslimiinta oo ay ku casuumeen dadka aan muslimiinta ahay in ka badan 80 Masaajid oo ku yaalla Ingiriiska, ololahan ayaa waxa uu qayb ka yahay la dagaalanka aragtida khaldan oo ay dadyowga aan Muslimiinta ahayni ka qaateen Islaamka.

Masaajidada loo furay dadka aan Muslimiinta ahayn waxay ku yaalaan magaalooyinka London, Birmingham, Manchester, Leeds, Glasgow, Cardiff, Belfast iyo meele kale.

Maalinta furitaanka masaajidada Ingiriiska ayaa timid ka dib markii ay sabtidii mudaharaad lagaga so horjeedo Islaamka sameeyeen tageerayaasha kooxda Pegeida ee ka soo horjeeda islaam naceybka gaar ahaan kuwa ku sugan Birmingham.

Dhammaan dadka soo booqda Masaajidadan ayaa loo sharixi doona diinta Islaamka waxa ay tahay, waxana la siin doono fursad aay ku daawadaan Salaadda la tukanayo.

Taani ayaa ku soo beegmeysaa waqti telefishadu aanay sii day wararka kooxda Islaamiyiinta.

Kooxda soo qaban qaabisay ololahan ayaa waxay rajaynaysaa in uu dadka aan Muslimiinta ahayn ee in badan muujiya Muslim nacaybka ay xog faro badan ka heli doonaan ololahan iyo Islaamku waxa uu yahay, inkastoo ay jiraan kooxo Islaamiyiin ah oo Muslimka magaca ka dilay.

bandhige@gmail.com