Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa “cimrigaaga oo dheeradaa geel dhalaaya ayuu ku tusaa.”
Annaga oo salaad duhur ah sugayna ayaa nin la soo galay gabadh yar oo da’deeda aan ย ku qiyaasay toddoba jir. Inta uu safkii hore fadhiisiyey ayuu wayso tagay. Gabadhii yarayd ayaan ku idhi xagga dambe iska fadhiiso inta la tukanayo. Way i diidday. Nin tabliiq ah ayaa isna la hadlay way diiday.
Ninkii ayaanu uย sheegnay “waar xaga dambe fadhiisi inanta inta la tukanayo.” Isaguna wuuย na diiday wuxuna yidhi waa ciyaal.
Imaamkii ayaanu u sheegnay dhegba jalaq uma uu siin ee salaaddii ayuuย iska galay. Rasuulka SCW ayaa yidhi:
“Qofka xaqa ka aamusaa waa shaydaan af la’.”
Inantii yarayd sidii ayay safkii hore ugu jirtay. Markii dambe ayaan anigu ka hadlay imaamkiina qabsaday. Wuxuย iiguย jawaabay “miyaan la dagaalamaa?”
Franklin D Roosevelt oo mar madaxweyne ka ahaa Maraykanka ayaa yidhi “In politics, nothing happens by accident.ย If it happens, you can bet it was planned that way” taas oo macnaheedu yahay siyaasadda waxbaย iskama dhacaan, haddii ay dhacaana waa wax loo loo qorsheeyey in ay sidaas u dhacaan. Odayaasheenii horena waxay ku maahmaaheen “adeerowย Ingiriisku meel uu awr marin doono ayuu irbad ku dayaa.”
Ninkaasi arrinkaa uu sameeyay maaha wax iska ย dhacay. Waxaan qabaa in uu qorshe ka dambeeyey. Muddo dheer ayaan masaajido ku tukaday, dhawr waddana waan arkay, maan arag dhacdadan oo kale. Waxaan markaa culimada waydiinayaa arrinkan in uu banaan yahay. Haddii aanu banaanayn wax ha laga qabto. Waayo waa diin arrinku maaha wax sahlan. Waa dariiq furmaya oo nin walba bari ayuu gabadhiisa yar soo kaxayn oo safka hore soo fadhiisin.
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nuur Xaaji Xiiray