Madaxweyne Siilaanyo wuxu kulan la yeeshay Komishanka Doorashooyinka, taliyeyaasha ciidammada iyo wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa maanta kulan afar geesood ah la yeeshay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, Taliyayaasha ciidamada iyo Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha iyo Gaashaandhiga, kulankan ayaa ahaa mid lagu  dar-dar gelinayo Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ee doorashooyinka dalka ku soo fool leh bisha March 2017-ka.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Komiishanka  Cabdulqaadir Iimaan Warsame, waxay Madaxweynaha si toosa ugu soo ban-dhigeen inay Komiishan ahaan si rasmiya uga go’antahay in la dar-dar geliyo Diiwaan-gelinta Doorashooyinka, maadaama doorashadu tahay waajib cid walba saaran. Komiishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay dhawaan ka bilaabmi doonto Gobolka Togdheer, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhammaanba Hay’adaha ay doorashadu khusayso ay arrintan si dhab ah uga wada hawl galaan, hadday tahay xagga nabadgelyada iyo hadday tahay xagga, abaabulka, maamulka iyo isu-dubbaridka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynuhuna wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku raacay oo ku taageeray talada ay soo jeediyeen, wuxuuna ku boorriyey in ay sida ugu habboon ee ugu hufan ay u bilaabaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadama ay doorashooyin dalka ka qabsoomi doonaan horraanta 2017-ka, hadii Illaahay yidhaahdo.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu Afarta Taliye Ciidan ku wargeliyey in ay si buuxda ula shaqeeyaan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adaha kale ee ku hawlan arrimaha Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha, gaar haana in iyaga Ciidamo Nabadgelyo ahaan uu xil gaar ahi ka saaran yahay sugitaanka amniga iyo degenaanshaha.

Afarta Taliye Ciidan waxay dhinacooda ballan qaadeen in ay si dhab ah ula shaqayn doonaan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka muddada ay ku jiraan hawlahooda. Kulanka waxa iyaguna goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiiru-Dawlaha Amniga Qaranka Maxamed Muuse Diiriye oo iyaga laftoodu tibaaxay in qabsoomidda doorashooyinku ay tahay xil-wadareed ummadda oo dhan saaran.

Sidoo kale Wasiirradu waxay si dhab ah uga marag kaceen muhiimadda iyo mudnaanta ay doorashooyinku u leeyihiin dalkeenna, sidaa darteedna loo baahan yahay in guud ahaanba Komiishanka Doorashooyinka Qaranka lagala shaqeeyo nabadgelyadao muddadaa ay ku jiraan Gudashada xilkooda Distooriga ah.

Kulankii wuxuu ku soo gaba-gaboobay is-af-garad iyo hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka isagoo ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadkooda Distooriga ah ee ka saaran arrimaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka inagu soo fool leh.

 

bandhige@gmail.com