Madaxweyne Siilaanyo wuxu hambalyo u diray bulshada Somaliland curashada sannadka cusub ee 2017-ka

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu hambalyo iyo salaan ku saabsan munaasabidda sannadka cusub ee 2017-ka u dirayaa dhammaanba shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, guddo iyo dibedaba, munaasibada sannadka cusub oo ka mid ah munaasibadaha fasaxa Qaran awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara Hambalyo iyo Salaan ugu dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba, kagana jiraan hawlaha qaranka ee ay ka nasanayaan curashada sanadka cusub ee ku beegan Maalinimada Axada ama berrito oo ay taariikhdu noqonayso 01/01/2017.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Allah uga baryayaa inay Sannadka 2017-ka, kiisa kale inagu gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo iyo horumar. sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka iyo kuwa Somalilandba u rajaynayaa in Sannadka 2017-ku uu noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni, taama.

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale u ducaynayaa shaqaale weynaha aanu caafimaadku u saamixin inay caafimaadqab ku gaadhan curashada sanadkan cusub bilowgiisa, waxaanu ugu ducaynayaa madaxweynuhu shaqaalahaasi iyo muslimiinta kaleba in uu caafimaad taama siiyo kana dulqaado xanuunka, sannadka sannadkiisana ku gaadhaan caafimaad.

bandhige@gmail.com