Waxa la adkeeyey amniga magaalooyiinka dalalka reer galbeedka curashada sannadka cusub awgeed

Amniga magaalooyiinka waaweyn ee dalalka Reer galbeedka ayaa aad loo adkeeyay ka hor munaasabadaha loogu dabaal dagayo curashada sannadka cusub.

Arrintan ayaa sabab u ah weerarkii gaadhiga xamuulka loo adeegsaday ee lagu qaaday Berlin, kaas oo 12 qof ay ku dhinteen.

Kumannaan ciidamo dheeraad ah ayaa ku sugnaanaya meel kastaa shacab ay isugu soo bixi doonaan.

Waxay tallaabo ka qaadi doonaan, waxkastoo looga shakiyo argagixiso, sida ay saraakiisha dalalkaasi sheegayaan.

Magaalooyiinka amnigooda la adkeeyay waxaa ka mid ah, London, Berlin, Brussels iyo Sydney.

Si looga hortago weerarada gawaarida loo adeegsado, waxaa la sameeyay jid-gooyooyiin waaweyn.

Wadooyiinka qaar waxaa la dhigayaa qalab culus oo gawaarida aysan ka gudbi karin.

bandhige@gmail.com