Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefti ka socda qaadhaan-bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ayaa waxay maanta ku qaabileen wefti ka socda qaadhaan-bixiyayaasha gaar ahaan waddamada Norway, Denmark iyo Netherland.

Kulanka ka dib ayaa waxa saxaafadda la hadlay wasiirka Arrimaha Dibedda Sacad Cali Shire iyo madaxda weftigan.

wasiirka Arrimaha Dibedda Sacad Cali Shire ayaa waxa uu ka warbixiyey ujeedada weftiga iyo  kulankii maanta, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

Weftigan waxay tahay ujeedadiisa waxay tahay sidii ay indho-dhaynayaan mashruuca ay maalgelinayaan ee ay ka mid yihiin mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa, waddooyinka iyo doorashooyinka Somaliland.”

Weftigan ayaa maalmahanba booqashooyin ku kala bixinayeen goobaha ay ka socdaan ee ay ka mid yihiin waddada isku xidha Kala-baydh, goobaha biyo balaadhinta iyo gooba kale.

Halkan hoose ka daawo warka kulankan:

 

bandhige@gmail.com