Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xafiiskiis ku qaabiley safiirka Jarmalka ee Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nayroobi

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley maanta safiirka cusub ee Jarmalka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Jutta Frasch, oo fadhigeedu yahay Nayroobi.

Haweenaydan Safiirka ah oo ay weheliyaan saddex dublomaasi oo kale oo mid yahay safiir ku xigeenkii hore ee Jarmalka u qaabilsanaa Somaliland iyo Soomaaliya, Christian Resch oo imika xilkaasi ka dhamaaday kuna laabanaya dalkiisa, ayaa kulanwakhti kooban la qaatay madaxweynaha, kaas oo lagaga wada hadlay xidhidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyey weftigaa Jarmalka, waxaanu intaa raaciyey in uu uga mahadnaqay mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan, isla markaana hadalo siyaasada dalka iyo ta geeskaba uga waramay xubnaha weftiga.
Madaxweynaha hadaladiisi waxa ka mid ahaa:

โ€œsi aad ah ayaan idin ku soo dhawaynayaa dalka, waxad naga mudan tihiin qadarin marka la eego xidhiidhka u dhexeeya labadeena dal iyo wada shaqaynta aan leenahay.โ€

Isago hadalkiisa watana waxa uu yidhi:

โ€œWaxaan si gaara idinka mahadcelinayaa mashaariicda qiimaha leh ee dalkayaga aad ka waddaan, idinkoo gaar ahaan Jarmalka ah iyo idinkoo ka mid ah dalalka Midawga Yurubba. Waxan si gaara isu dultaagayaa gacantii aad ka geysateen mashaariicda biyaha, gaar ahaan kuwa caasimada iyo mashaariicda aad qaybta ka tihiin ee dhinacyada waxbarashada, beeraha iyo kuwo kaleba.โ€

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ka codsaday in ay sii wadaan mashaariicda ay ka fuliyaan somaliland isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxan idin soo jeedinayaa inaad halkii ka sii wadaan kaalmooyinkiini dhinacyada badan lahaa, iyadoo aan si gaara idin xasuusino in abaarihii ka dhacay dalka dhawaanahan ay waxyeelo weyn ka tageen, kuwaas oo aanu rabno in ka soo kabashadooda aad qaybtiina ka qaadataan kana mid tahay dib u xoolaynta dadka, horumarka beeraha iyo samaynta biyo qabatimo iyo guud ahaanba dib-u-dejinta dadka.โ€

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay geedi socodka dimuqraadiyada dalka iyo guud ahaanba horumarka dalka ka socda, waxaanu mar uu arrintaa ka hadlayey yidhi:

โ€œDalka waxa ka socda dimuqraadiyad, waxana aanu isu diyaarinaynaa doorashooyinka soo socda oo hawlohoodu si wanaagsan uga socdo dalka iyadoo dalkayagu muddadii uu ku jiray la soo noqoshada madaxbanaanidiisu, aannu haysano nabadgelyo iyo xasilooni caama, dhawr doorasho oo horena aanu ka soo gudubnay, awoodana si dimuqraadi ah oo aan turxaan lahayn laysugu wareejiyey dhawr jeer.โ€

Madaxweynuhu waxa uu intaa uga gudbay in aan dimuqraadiyada Somaliland iyo doorashooyinka dalka aanay cid kale ku xidhnayn oon ahayn shacbiga Somaliland, beesha caalamkana looga baahan yahay in ay sii wado taageerada habsocodka geedi socodka dimuqraadiyada.

Dhinaceeda safiirku waxay madaxweynaha uga mahadnaqday soo dhawaynta lagu soo dhaweeyey dalka. Waxanay intaa raacisay in socdaalkeedani yahay inay barato meelaha ay ka shaqayn doonto oo ay ka mid tahay Somaliland, tahayna markii ugu horaysay ee ay Somaliland timaado.
Mar ay arrintaa ka hadlaysayna waxay tidhi:

โ€œMadaxweyne adiga iyo xukuumaddaadaba waxan uga mahadnaqayaa qaabilaadiina, iyadoo socdaalkaygani uu yahay mid barasho, waxa naga goโ€™an, dawlada jarmalkana kaga wakiil ahay in aan marka hore kormeero mashaariicdii aan idinkala wadnay halkan, isla markaana dhamaystirkooda aan ku dedaalno, mustaqbalkana aanu wada shaqayn hor leh yeelano.โ€

Mar ay ka hadlaysay dhinaca siyaasada waxay tidhi:

โ€œWaxaan ka war haynaa siyaasada gobolkan waxanan si gaara idin ku hambalyeynaynaa geedi socodka dimuqraadiyada dalkiina oo aanu ku qanacsanahay, isla markaana ay naga goโ€™an tahay wixii gacan ah ee la nooga baahdo in aanu ku darsano.โ€
Waxa kale oo hadaladeeda ka mid ahaa:

โ€œJarmalku cid gaar ah uma xaglinayo oo gobolkan ah, wuxuuse danaynayaa ka qaybgalka xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka geeska Afrika oo dhan, annagoo Jarmal ah iyo annagoo xubin ka Midawga Yurubba (EU).ย  Waxaan rajaynaynaa in dadka reer Somaliland nagu xisaabtamaan oo aan la garab taaganahay in aanu wax ku darsano waxqabsigooda, kana qaybqaadano doorashooyinka aad ku hawlan tihiin iyo daryeelka guud ee bulshada Somaliland.โ€

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse).

Dhinaca Weftigana waxa wehelinaayey Safiirka iyo Safiir ku xigeenka, Dr Hildegard lingnau, oo mashaariicda gobolka u qaabilsan jarmalka iyo Ms Judith Hopp, oo la taliye u ah safaarada Jarmalka ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkanka:

bandhige@gmail.com