Doorashadii madaxweynaha
Waxaa bilaabmay olole aad u khatar ah oo sidii lagu arki jiray dalalka dimoqraadiga ah doodo telefishinada lagu qabto boodhad waaweyn oolagu dhagajiyo jidadka iyo gidaarada iyo warbaahinta bulshada gaar ahaan ( face book iyo twiter0 oo si xoog ah kooxaha ololenyana iskugu adeegsadeen.
Akhwaanku waxa ay soo sharaxeen Dr. Maxamed Mursi inkasata oo markii hore Dr. Cabdilmuncim Abul futuux isa sharaxay hadana waa laga diiday ururkana waa laga saarer waxaa kale oo ay bada so dhigeen Khayrat Alshaadir oo ku xigeenka ururka ahaa laakiin maxkamada ayaa diiday Mursi ayeyna sheekadu ku soo ururtay waxaa kale oo isna Islaamiyiinta salafiga ahai soo sharaxeen Xaasim Ismaaciil isna waxa diiday maxakamada sare. Dhinaca kale qolyaha cilmaaniyiintu waxa ay isku raaceen oo ay u bateen kolkii hore musharaxiintoodu way badnaayeene Axmed Shafiiq oo aha sarkaal sare oo ka mid ahaa ciidanka cika masar wasiirka ka ahaa dawladii markaa uun la riday.
Mursi iyo Shafiiq waxaa dhax maray olole kulul iyo doodo cajiib ah aakhirkii maalinkii doorshadana waxa ay guushu ku raacaday in ka badan laba milyan oo cod Maxamed Mursi oo noqday madaxweynihii abid si sharci ah oo toos ah reer Masar u doortaan.
Nasiib daro waxaa jiray baa la yidhi qorshe ciidanka dhaxdiisa ah oo ay rabeen kii soo baxaba in ay aakhirka inqilaabaan laakiin u malayn maayo hadii shafiiq soo bixi lahaa in ay inqilaabi lahaayeen sababtu waxa weeyi ninkaasi waa milatari oo iyaga ayuu ka tirsan yahay markaa sida uu doono ha ku yimaadee way daysan layaaheen laakiin isaga dabadii doorshau ma dhici lahayd?
Waxaa bilaabay olole ka dhan ah kacdoonkii oo ciidanku hoosta ka wadeen waxaa wadanka meelo ka mid ah laga abuuray qalalaashe sida garoonkii kubada kacta ee port Siciid ee dadka badan lagu laalyey madaxtooyada duleedkeeda oo dad banaabaxaya lagu laayey intaba waxa alooga dan lahaa in madaxweynahan lagu kaco.
Wadamada khaliijka ha ug daraadaan Sucuudiga iyo Imaaradka Carabta waxa ay qayb ka noqdeen ololaha looga tuurayo xukunka Mursi waxaanay dayaacad iyo hantiba ku bixiyeen sidii loo mijo xaabin lahaa xataa Shafiiqii looga dkaaday doorshada waxa uu dagay imaaraadka waxaanu noqday la taliye amni oo xaakimka imaaraadka ah.
Waxa uu dabinkii la qolay ku dhacay mursi markii uu saraakiisha ciidmada kala badalay oo Xuseen dandaawi iyo Saami Canaan xilkii ka qaaday oo uu magacaabay Cabdifataax Alsisi oo malamahaa cibaado badnaa baa la yidhi malaha cibadadas waxa buu ku khiyaamaynaayey sanadba intii aanay ka soo wareegin magacaabistiisii waxa ay ciidanku soo aabubaaleen olole khatar ah oo ay sheegeen in dadkii reer Masar madaxda Akhwaanka naceen kaasi oo mudaharaad balaadhan isku badalay ka dibna uu ku dhawaaqyn 31july 2013kii in ciidanku la wareegay taladii waxaanay masara ku noqtaya halkii ay taagnayd waagii Mubaarak iyo meel ka daran.
Kooxihii is yidhi difaaca doorshad xaq ah iyo cadaalada waa xasuuqay waxaana lagu gumaaday meelaha la kala yidhaahdo Alnahda iyo Raabicatul Cadwiyaha halkaas oo kumayaal dad ah xabad iyo baldoosaro lagu xasuuqay.
Markii kacdoonkii Masar la dhiciseeyey kii carabta kale oo dhana waa la dhiciseeyey waxaana ugu daraa Suuriya iyo yemen.
Hoos ka akhriso qaybihii hore ee Kacdoonkii Dhicisoobay
Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 9aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 8aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 7aad
Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybtii 6aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 5aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 4aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 3aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 2aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad
raagesom@gmail.com