Waqtigii jaahiliyada ee Islaamka ka horeeyey, dhammaan dumarka, da’kasta iyo darajo kasta oo leeyihiin, ragu waxa ay ka mabnuuceen nooc kasta oo hanti ah in ay yeshaan. Taas waxa sababay iyada oo qabaa’ilkii Carbeed ee xiligaas jiray ay dumarka u arkayeen wax aan qiimo lahayn, xaqiran oo aan u qalmin in hanti la hantisiiyo. Dhaqanka soomalidii hore ayaa isna xidhiidha dhow lahaa kii qabaa’ilkii carbeed. Waxa dhici jirtay in hadii reerka gabadhi u dhalato in ka naxi jiray halka marka uu will reerka ku soo biirana la damaashaadi jiray oo aad loogu farxi jiray. Sababta ugu weyn arintan loo samayn jiray ayaa ahayd iyada oo wiilka laga filayey in uu reerka difaaci doono hadii dulaan ku yimaado ama lagaga cabsan doono oo aan cidiba soo hungurayn doonin.
Dhaqankii hore ee carbeed waxa badalay oo meesha ka saaray soo bixtaankii diinta Islaamka. Kitaabka ALLE ayaa si cad oo faahfahsan ALLE ugu sheegay siyaabaha kala duwan ee gabadhu wax u dhaxli karto iyo mar kasta qadarka ay leedahay. Tusaale ahaan, dumarku waxa ay dhaxalka xaq u leeyihiin in ay ka qayb qataan isla markaana qadarka uu ALLE uga cayimay ka qataan iyaga oo ah; hooyada qofka la dhaxlayo, xaaska qofka la dhaxlayo, gabadha/inanta qofka la dhaxlayo, ayeeyada qofka la dhaxlayo, walaasha qofka la dhaxlayo (oo ah walaasha dhanka hooyo, ama aabo ama aabo iyo hooyo-ba) iyo iyada oo ah gabadha/inanta wiilka qofka la dhaxlayo. Sidoo kale waxaa jira xalaado kale oo intaas sii dheer oo gabadhu ay dhaxalka xaq u yeelanayso in ay ka qayb qaadato oo xaqeeda ka hesho. Waxa kale oo jira oo xaalado qofku (nin ama dumar kuu doono ha ahaado e) aano qofka kale ku dhaxli Karin, sida iyada oo kala diin ah ama qofka wax dhaxlayaa uu dilay ama u sabab ahaa dhimashada qofka la dhaxalayo si u kas ah, markhaati dhimashadiisa sababayna ha ku furee.
Wali waxa jira in dadka qaar aanay dumarka sidii ILAAHAY yidhi u siiya xaqa ay dhaxalka ku leeyihiin aanay u siin ee ay ka duudsiyaan. Dadkaas ayaa waxa ay la mid yihiin sida kuwii nolaa waqtigii casru-jaahiliga. Dadkaas dumarka ka duudsiya xaqoodu ayaa sidoo kale waxa ay qadanayaan xaq uu qof kale oo bani’aadam ahi leeyahay. Dadkaasi kama duwana sidii qof xoolo gabadhaasi ay lahayd ka dhacay oo kale.
Hadaba si aynu u fulino sharciga diinta Islaamka dhamaanteena waa in aynu ka shaqaynaa sidii gabadhkastaa u uheli lahayd xaqeeda. Hadii ay dhacdo gabadh in aad ogtahay ama ogaato gabadh ka cabanaysa in xaqeedii laga duudsiyey ama la siin waayey, waa in aad ku soo xidhaa maxkamadaha dalka iyo wixii talo ah ku saabsan sidii ay xaqeeda u heli lahayd.
Waxa qoray: Maxamed Cabdi Cabdilaahi
Peer Educator
Somaliland Y-PEER