Madaxweyne Siilaanyo wuu ka soo noqday safarkii Itoobiya

????????????????????????????????????

Kadib markii uu Isniintii la kulmay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya, Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii waxa ay maanta ku soo laabteen Hargeysa.

11.00 subaxnimo ee maanta ayay weftiga oo la socday diyaaradda Ethiopian Airlines soo caga-dhigteen Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Mxamuud Aadan, Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahim, salaadiin, xildhibaano iyo masuuliyiin tiro badan oo kale ayaa madaxweynaha ku qaabilay madaarka.

????????????????????????????????????
Madaxweyne-Xigeen Saylici, Guddoomiye Muuse Biixi iyo Guddoomiye Saleebaan oo Madaarka Cigaal ku soo dhawaynaya Madaxweynaha iyo weftigiisa- 23 June 2015

Sidii caadadu ahayd, madaxweynuhu wuxu salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tiran ciidanka Qaranka Somaliland kadibna wuxu la hadlay saxaafadda.

Weftiga Madaxweynaha oo Axaddii u safray Addis Ababa waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal.

bandhige@gmail.com