Wasiir Xaglo-toosiye oo wada qorshe xannaanooyinka qaar loogu beddelayo cisbitaallo

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise “Xaglo-toosiye” ayaa wada qorshe uu xannaanooyinka qaarkood ugu rogayo cisbitaallo si loo baahiyo adeegyada caafimaad ee ay bulshadu helayso.

Subaxnimadii Salaasada, wasiirku wuxu kormeer ku soo maray ugu yaraan saddex ka mid ah xannaanooyinka hooyada iyo dhallaanka ee Hargeysa, gaar ahaan Daami A, Daami B iyo xannaanada Saxardiid oo ku taal Jigjigayar.

Wasiir Xaglo-toosiye booqashadiisu ma ay ahayn geed-sare-waab, hase ahaatee wuxu waraysiyo la yeeshay shaqaalihii caafimaadka ee ka hawl-galayey xannaanooyinka uu booqday, wuxu hubiyo qaar ka mid ah cuntooyinka carruurta meesha lagu siiyo, sidoo kale wuxu baadhay diiwaanada qaar ka mid ah xannaanooyinkaas iyo sida macluumaadka loogu kaydiyo.

Wasiir Xaglo-toosiye intii uu booqashooyinkan ku jiran waxa dhiniciisa socday agaasime-waaxeedyada wasaaradda oo qiimayn ku samaynayey sida ay hawlaha xannaanooyinkani u socdaan iyo in ay u qalmaan in loo dalacsiiyo cisbitaal iyo in kale.

Wasiir Xaglo-toosiye ayaa lagu ammaanaa in uu yahay wasiir la fal-gala shaqaalaha iyo hawl-wadeenada caafimaadka ee gobollada dalka oo dhan isla markaana aanu ahayn nin ku eg xafiiskiisa Hargeysa oo kaliya.

Sida uu wasiirka oo warbaahinta la hadlay sheegay, xannaanooyinka loo dallacsiiyo cisbitaalnimadu waxa ay u baahan doonaan dhakhaatiir joogto ah oo ka hawl-gala, agab caafimaad oo dheeraad ah iyo qalab suurtogeliya in adeeggii cisbitaal laga heli jiray ay bixin karaan.

bandhige@gmail.com