Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.8aad

Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga

Waxa aynu halkaa ka arkaynaa carrabku in uu yahay waxa samaha iyo xummaanta inoo soo jiida. Haddii waxa aynu ku hadlayno yahay wax aan Alle SWT raali gelinayn sida xadiiska ka muuqata waxa aynu ku galabsanaynaa naar.

Illaahay isaga oo inoo baanaya wuxu ina leeyahay:

“Miyaanan u samayn laba indhood, carrab iyo labadiisii daan.”

Intan aad ku socoto ba ee aad wax ku arkaysaba annaga ayaa leh. Sidoo kale carrabka iyo labada daan ee isu hagaajiya ama isu toosiya hadalka annagu miyaanan ku siin weeye su’aashu. Haa Allow adigaa na siiyey, sidaa awgeedna waxa nala gudboon mahadcelin.

Illaahay SWT mar kale wuxu innoogu baanay in uu ina siiyey carrab hadalka soo saara, “Wuxu idin baray hadalka.” Ogow mar kasta oo aad hadal maqasho waxa hadalka soo saara waa carrabka, kaas oo aynu kaga duwan nahay makhluuqaadka kale.

Sidoo kale Alle SWT wuxu inoo sheegay eray kasta oo afkeena ka soo baxa in uu yahay mid guntan oo la qorayo.

“Kama soo baxo hadal ‘afkooga’ illaa waxa tirinaya oo ogsoon Malaa’ig.”

Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?
Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada waana mid diintu dhiirigelisay in lala yimaaddo, iyadoo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roon yahay loo kala darajo sarrayn doono. Waxaana taa muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku CSW leeyahay:

“Waxa mu’miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.”

Hubaashii habdhaqanka suubani wuxuu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin.  Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku CSW. Miyaanad arag marka Alle SWT leeyahay:

“Waxa kuu sugnaatay akhlaaq sarraysa.”

Sidoo kale Caai’sha RC ayaa mar la waydiiyey habdhaqankii Rasuulka CSW waxayna tidhi, “Habdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Qur’aanka.”

Rasuulku CSW wuxuu ahaa mid horseed u ah ku-dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hor dhaqma ayuu ahaa.

Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa af-gaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa Ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray in uu ahaa mid tilmaamaha ku suntan. Xadiis ka sugannaa Rasuulka CSW wuxu ahaa:

“Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.”

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com